Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wefti balaadhan oo ka socda xukuumadda Somaliland iyo Golaha Wakiilada oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibada Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa saaka u kicitimay dalka Kenya oo ay sheegeen inay fadhi gaar ah la yeelan doonaan Guddi ka socda Golaha Ammaanka iyo Nabadgelyada ee Jimciyada quruumaha ka dhaxaysa

Hargeysa(maantaSomaliland.com)-Wefti balaadhan oo ka socda xukuumadda Somaliland iyo Golaha Wakiilada oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibada Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa saaka u kicitimay dalka Kenya oo ay sheegeen inay fadhi gaar ah la yeelan doonaan Guddi ka socda Golaha Ammaanka iyo Nabadgelyada ee Jimciyada quruumaha ka dhaxaysa.
Weftigaasi waxa kale oo xubno ka ahaa Wasiirka Gaashaan-dhiga Md. Axmed X. Cali Cadami, Wasiirka Macdanta iyo biyaha Md. Xuseen Cabdi Ducaale, Wasiirka Shaqada iyo arrimaha bulshada Marwo Ilhaan Maxamed Jaamac iyo Guddoomiyaha Guddi hoosaadka arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee Golaha Wakiilada Md. Xuseen Maxamed Cigge.

Wasiirka Arrimaha dibada oo ka hor intii aanu dalka ka dhoofin saxaafada ugu waramayay qolka nasashada ee madaarka Hargeysa ayaa tafaasiil ka bixiyay shirkaasi, waxaanu yidhi “Weftigan balaadhan ee ka socda xukuumadda iyo baarlamaanka waxaanu u baxaynaa dalka Kenya caasimadiisa Nairobi, halkaasi oo aanu kaga qeyb galayno shir ay qaban qaabisay Golaha Ammaanka ee qaramada midoobay Somaliland-na lagu soo casuumay. Waxaana Somaliland shirkaasi loogu casuumay si toos ah waana fadhi khaas u ah Golaha Ammaanka iyo Somaliland. Way jiraan shirar kale oo Golaha Ammaanku la yeelanayo Soomaaliya.”

Wasiirka oo ka hadlayay waxa fadhigan ay la yeelanayaan guddi ka socda qaramada midoobay lagaga hadlayo waxaanu yidhi “Fadhigan waxaanu kaga hadli doonaa qadiyada Somaliland, waxaanu uga warami doonaa inay Somaliland tahay dal nabadgelyo ah oo dimuqraadi ah oo xoriyadiisu madax banaanidiisu taam tahay oo ah dal adduunka ka doonaya inuu ka helo ictiraaf iyo aqoonsi buuxa. Golaha ammaankuna waa Ha’yada ugu sareysa ha’yadaha dunida ka jira ee caalamku wada leeyahay. Shirkani wuxuu inoo yahay sharaf waayo waa markii u horaysay ee tan iyo intii ay Somaliland jirtay ay xukuumadda Somaliland ay si toos ah oo fool ka fool ah ula fadhiisato jimciyada quruumaha ka dhaxaysa Golaheeda ammaanka oo ay u gudbiso qadiyada, dareenka iyo himilada shacabka reer Somaliland.”

“Anagoo tix gelinayna muhiimad ay leedahay fursadaasi waxay Somaliland ku faraxsan tahay inay ka qeyb gasho fadhigaasi gaarka u ah Somaliland iyo Golaha ammaanka,”ayuu yidhi Md. Cabdilaahi Maxamed Cumar.

Wasiirka oo la weydiiyay waxa ka soo baxay dhoolatuskii shacbiga Somaliland ku muujiyeen sanad guuradii 20-aad ee ka soo wareegtay dib ula soo noqoshada madax banaanida Somaliland isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “farriintaasi farriin adag ayay ahayd, jawaabo arrintaasi ku saabsana way soo gaadheen xukuumadda Somaliland.waxaanu aaminsan nahay in dawlado faro badani ay dhawaan aqoonsan doonaan Somaliland.

Waxaynu ka war haynaa in maalin dhawayd Wasiir Ku Xigeenka dawlada Kenya uu ka hadlay aqoonsiga Somaliland, dawlado kale oo iyaguna ka hadli doonaana way jiraan

xuseen xarbi
maantasomaliland.com
hargaysa/office
harbi_31@hotmail.com
2522 4492093

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com