Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Shir muddo tobaad ah uga socday beelaha Maxamuud Bari ee gobolka Sool iyo Koonfurta Sanaag, ayaa maanta laga soo saaray war murtiyeed ka kooban afar qodob, oo ku wajahan dhinacyada nabadgelyada waxaana warkani khdadka telefoonka shabakada wararka ee maantasomaliland.com nagu siiyay oday maxamuud jaamac maxamed oo ka soo jeeda deegaankaasi

Shir muddo tobaad ah uga socday beelaha Maxamuud Bari ee gobolka Sool iyo Koonfurta Sanaag, ayaa maanta laga soo saaray war murtiyeed ka kooban afar qodob, oo ku wajahan dhinacyada nabadgelyada iyo siyaasadda.

Shirkan waxa maanta gunaanadkiisii ka soo qeyb galay oo goob joog ka ahaa Badhasaabka Gobolka Sool Md. Cadilaahi Jaamac Diiriye iyo Guddoomiyaha Guddida tallo bixinta furashada ururada siyaasada ahna Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland Md. Saleebaan Yuusuf Cali Koore.
Oday Maxamuud Jaamac Maxamed oo galabta la soo xidhiidhay shabakada wararka ee
maantaSomaliland.com, ayaa tafaasiil ka bixiyay go’aamada shirkaasi ka soo baxay.
“Waxaan kuu sheegayaa Beelaha Maxamuud Bari oo kala ah Cumar Wacays, Ugaadh yahan iyo Hinjiile oo dega degmooyinka Taleex, Xudun, Laascaanood iyo koogfurta Sanaag ayaa shir balaadhan uga socday todobadii maalmood ee la soo dhaafay magaalada Laascaanood, shirkaasi waxa waxgaradka, aqoonyahanka iyo cuqaasha beelahaasi ay kaga arrinsanayeen maslaxadooda, nabadgelyada iyo qodobi kale oo dan u ah bulshada gobolka Sool, shirkan waxa uu ku dhamaaday jawi wanaagsan waxaana ka soo baxay bayaan afar qodob ka kooban oo waxgaradkii ka qeyb galay ay isla qaateen kuwaasi oo kooban afar qodob,”ayuu yidhi Maxamed Jaamac Maxamuud.

Oday Maxamed Jaamac oo aanu weydiinay Nuxurka qodobada ka soo baxay shirkan waxa uu yidhi “Shirkan waxa ka soo baxay qodobadan hoos ku qoran:-
1-Beelahani waxay go’aansatay oo ay isla qaateen inay ku midowdo Somaliland oo ay is barbar taagaan maamulka dawlada Somaliland ee uu Hoggaamiyo Axmed Siilaanyo.
2- Beeshu waxay si kal iyo laab ah u soo dhawaynaysaa kana qeyb galaysaa gogoshii nabadeed ee uu shacbiga gobolada bari qaarkood u fidiyay Madaxweynaha Somaliland.
3- Beeshu waxay beelaha kale ee Somaliland ku boorinayaan in si wada jir ah loo ilaaliyo ammaanka dalka, wada jirka isla markaana xukuumada Madaxweyne Siilaanyo laga gacan siiyo sugida nabad gelyada dalka.
4- Beeshu waxay go’aansatay in xukuumada Somaliland ay ka doonato xuquuqdeeda siyaasadeed iyo bulsho.”

Maxamed Jaamac Maxamuud, waxa kale oo uu tilmaamay in Bayaankaasi ay qalinka ku duugeen qaar ka mid ah waxgaradka beelahaasi kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen Caaqil C/Kariin Xasan Saalax, Caaqil Faarax Muuse Dhiin, Caaqil C/Rashiid Cilmi Faarax iyo waxgarad kale.

Waxgaradkani waxa kale oo ay ammaan balaadhan u soo jeediyeen badhasaabka gobolka Sool Cabdilaahi Jaamac Diiriye oo ay sheegeen inuu la lagdamayo sidii nabad gelyada gobolka Sool loo xasilin lahaa. Waxaanay xukuumada Somaliland ka dalbadeen inay maamulka gobolkaasi ka gacan siiyaan sugida amniga.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com