Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Guddoo miyaha Baanka Oo Ka Hadlay Xadiga Lacagta Giimbaarta Ee Laga Bedelay GobolkaTog-dheer

GobolkaTog-dheer

Hargeysa (maantaSomaliland.com)- Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland Md. Cabdi Dirir Cabdi, ayaa ka hadlay xadiga lacagta giimbaarta shilin Soomaaliga ee laga bedelay shacbiga gobolka Tog-dheer tobankii maalmood ee la soo dhaafay ka socotay xarunta Baanka Burco.

Guddoomiyuhu wuxuu sidaasi ka sheegay maanta magaalad Burco ee xarunta Gobolka Todheer oo uu ku marayo socdaal shaqo waxaanu ka hadlay gabo gabada hawsha lacag bedelka Gobolka Tog-dheer oo uu ku tilmaamay inay ku soo dhamaatay guul.

Guddoomiyaha oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Burco waxa uu sheegay in dadweynaha gobolka Tog-dheer laga bedelay lacagta Giimbaarta ee laga isticaali jiray gobolkaasi waxaanu yidhi “Waxaan idiin sheegayaa in la soo gabo gabeeyay hawshii bedelaada lacagta giimbaarta waxaanay ku egtahay lixda cawaysnimo ee caawa, waxa dadweynaha gobolka Tog-dheer laga bedelay 20 Bilyan oo shilin Somali ah taasi oo u dhigantan 10 Milyan shilinka Somaliland ah.”

Md. Cabdi Dirir Cabdi oo la weydiiyay in dadweynaha ku dhaqan gobolada Sool iyo Sanaag iyagana la bedelayo lacagta giimbaarta iyo in kale waxa uu sheegay in baanka dhexe aanay xiligan u qorshaysnayn inuu goboladaasi ka bedelo lacagta, waxase uu tilmaamay in la geyn doono lacag badan oo shilinka Somaliland isla markaana ay dawladu cashuuraha ku qaadi doonto lacagta shilinka Somaliland.

Guddoomiyaha Baanku waxa uu sheegay in cidii seegtay fursada lacag bedelka Tog-dheer aanay mar
dambe u suurtoobayn.
xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com