Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Fadeexad Dawlada Hoose Hargeysa Ka Soo Wajahday Sharaab Dhacay Oo Qarqiyay Suuqyada Hargeysa

Hargeysa (maantaSomaliland.com) Noocyada sharaabka iyo cabitaanka dhacay ayaa si weyn ugu soo badanaya caasimada Hargeysa kaasi oo buux dhaafiyay suuqyada iyo meherradaha laga dukaansado ee magaalada, taasi oo saamayn caafimaad oo xun ku yeelan karta dadweynaha.

Sharaabkan dhacay ayaa lagu iibiyaa meheradaha yar yar iyo kuwa waaweynba waxaana xiligan cirka isku shareertay cabashada dadweynuhu ay ka muujiyeen sharaabkan dhacay ee lagu iibinayo suuqyada magaalada Hargeysa.Dadweynaha ka cabanaya sharaabkan dhacay waxay eeda ugu weyn dusha ka saareen masuuliyiinta dawlada Hoose ee Hargeysa oo ay ku tilmaameen qaar halmaamay qeybtii ugu muhiimsanayd waajibaadkooda shaqo.

Agaasimaha waaxda Arrimaha bulshada ee dawlada Hoose ee Hargeysa Khadar Cismaan Guulleed oo aanu wax ka weydiinay arrintan ayaa sheegay in ay wixii tamartooda ah la tacaalaan sidii loo ururin lahaa loona gubi lahaa badeecadaha dhacay ee lagu iibiyo suuqyada. “Sharaabka dhacay wuu jiraa anaguna dawlad hoose ahaan intaasi waanu dedaalaynaa oo waanu soo wada ururinaynaa sharaabka iyo badeecadaha dhacay, waxaan ammaan u soo jeedinayaa ganacsatada dalka qaarkood oo dawlada Hoose la soo xidhiidha oo nagu soo wareejiya badeecadaha dhacay anaguna waanu gubnaa,”ayuu yidhi Agaasimaha Arrimaha bulshada ee dawlada Hoose.

Agaasimuhu waxa uu ku hanjabay in dawlada Hoose ay tallaabo adag ka qaadi doonto qofkii lagu helo isagoo bulshadiisa ka iibinaya badeecad dhacday “Waxaan meheradaha uga digaynaa inay iibiyaan badeecad dhacday qofka lagu qabtana waxa laga qaadi doonaa talaabo adag oo sharciga waafaqsan waayo waxa uu ka dhigan yahay qof sun dadka ka iibinaya oo kale,”ayuu yidhi Khadar Cismaan Guulleed.

Agaasimaha oo aanu weydiinay inay jiraan cid lagu soo qabtay badeecad dhacday sanadkan oo ay maxkamadeeyeen waxaanu sheegay inaanay arrintaasi jirin hase yeeshee ay jiraan dad badan oo ay ganaax lacageed ku rideen.

“Waxaan la yaabay sideed qof ayaanu meel ku wada fadhinay lix ka mid ahi waxay arkeen iyadoo sharaabka ay cabanayaan uu taariikhdoodu dhacday haddana lagu iibinayo dukaamadda magaalada, taasina waa nasiib darro waan filayay in badeecad dhacday lagu iibiyo tuulooyinka hase yeeshee kamaan fikirayn in Caasimada Hargeysa lagu iibiyo sharaab iyo badeecado dhacday,”ayuu yidhi Ismaaciil Cabdi Axmed, oo ka mid ah dadweynaha ku dhaqan caasimada Hargeysa oo walaac ka muujiyay sharaabka dhacay ee qarqiyay magaalada.

Muxumed Cabdi oo isna ka mid ah bulshada reer Hargeysa waxa uu u soo jeediyay maamulka dawlada Hoose ee caasimada Hargeysa inay horkeenaan wax uu ku tilmaamay dambiileyaasha shacbiga ka iibinaya badeecad sumaysan.

xuseen xarbi
hargaysa
maantasomaliland.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com