Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo ka tirsan golaha wakiilada Somaliland ayaa maanta shir jaraa’id oo uu ku qabtay xarunta golaha wakiilada ugu baaqay shacbiga Somaliland gudo iyo dibadba taakulo inay u fidiyaan naafada mujaahidiintii ururkii xoreeyay dalka ee (SNM) ee u soo halgamay la soo noqoshada madax banaanida Somaliland.

Xildhibaanku waxa uu sheegay in naafadii Somaliland u soo kifaaxay ay ku dhex dayacan yihiin gudaha dalka isla markaana ay u baahan yihiin in aynu wax tarno oo hoos loo eego isagoo si gaar ah ugu baaqay ganacsatada iyo Jaaliyadaha reer Somaliland ee dibadaha inay kaalin muuqata ka qaataan kaalmeynta Muhaahidiintii ku wax yeeloobay kuna naafoobay halgankii qadhaadhaa ee xoraynta dalka, isagoo sheegay inay ciddii wax taraysaa ku soo hagaajiyaan bog xisaabeed uu uga furay xawaalada Dahabshiil 17060.

Dhinaca kale, xildhibaanku ammaanay sida xukuumadda Somaliland u xustay uguna qaadatay xuskii dagaaladii gudo galkii ururkii SNM ee magaalooyinka Burco iyo Hargeys oo ay soo kala galeen 27kii ilaa 31kii ee bishii May sannadkii 1988kii, iyo munaasibaddii ballaadhnayd ee 18-ka Mayee sanad guuradii 20-aad ee ka soo wareegtay dib ula soo noqoshadii Madax banaanida Somaliland oo gudo iyo dibadba laga xusay meeqaamkii ugu sareeyay.

xuseen xarbi
maantasomaliland.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com