Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Seyladaha Xoolaha Nool oo Dib U Habeyn Lagu Sameynayo

Seyladaha Xoolaha Nool oo Dib U Habeyn Lagu Sameynayo

Wasiirka Wasaaradda Xoolaha Dr. Cabdi Aw Daahir iyo Duqa Caasimadda Injineer Xuseen M. Jiciir, ayaa maanta dhagaxii ugu horreeyey dhigay mashruuc dib u habeyn iyo xayndaab (deyr) lagu sameynayo Seyladda Xoolaha Nool lagu kala iibado ee magaalada Hargeysa. Mashruucan oo ah mid deyrar iyo hadhadh lagaga hirgelinayo seyladaha waaweyn ee xoolaha, waxa maalgelinaysa Hay’ad Ingiriis ah.

Wasiirka Xannaanada Xoolaha oo ka hadlay xafladda dhagax dhigga ka dib, ayaa sheegay in ay wasaarada ka go’an tahay in ay horumariso ganacsiga iyo daryeelka xoolaha.
Maadaama ay yihiin laf-dhabarta dhaqaalaha dalka.

Waxa kale oo uu tilmaamay in uu yahay mashruucani, mid ay ka dhalanayso shaqo abuuris, waxaanu xusay in ay maalgelinayso mashruucan hay’adda DFID, waxaana hirgelinaysa hay’adda Cuntada Adduunka ee FAO.

Wasiirka ayaa xafladda ka dib, kulan qado sharaf ah, ugu sameeyey mas’uuliyiintii ka qaybgalay huteelka Ambassador ee magaalada Hargeysa.

xuseen xarbi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com