Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Mo Farah Walaalkii oo Laga Mustaafurinayo Ingiriiska Iyo Walaaca uu ka Muujiyay Tallaabadan

Nin ay walaalo yihiin orodyahanka caanka ah ee Mo Farah ayaa sheegay in  khasab loogu  mustaafurinayo dalka dagaalku aafeeyay ee Soomaaliya.Ninkan oo la yidhaa Axmed Faarax oo ku sugan Ingiriiska ayaa sheegay inuu u baqanayo  naftiisa haddiiba khasab loogu celiyo Soomaaliya.

 

Axmed Faarax oo  27 jir ah, waxa uu jirey laba sano oo keliya markii la geeyay Ingiriiska 25 sanno ka hor isaga iyo walaalkiisa ku caan baxay ciyaaraha olembikada oo isagu markaa ahaa siddeed jir.

 

 

106493807-mo-farah-news-large_trans++wDgGh3pkom49KxtKngnUa0ZGx7dw-ORSDiscmsGso7QBy: Sunday Mirror

London(MSL)

Waxa uu ka hadlay suurtagalnimada in la  mustaafuriyo kadib marka uu ka soo baxo xabsi afar sanno iyo badh ah oo ahaa xukun been abuur  ugu dhacay xilli uu dhacay weerar mindiyeed.

Dhageysiga sharciyaddan ayaa la filayaa in waqtigan dib loo dhigo.Isaga oo la hadlayay  Wargeyska Sunday Mirror waxa uu yidhi : “Kuma noqon karo halkii aniga iyo Mo Farah, aan ku dhalaney- waa meel aad halis u ah.  Waxa aan ka cabsi qabaa in ay halkaasi iigu dhammaato oo la igu dilo. Waxa aan dareemayaa in aanay jirin  wax rajo ah oo aan leeyahay.”

Waxa uu intaa ku darey  ” Waxa aan u baqayaa nafteyda. Waxa aan ogahay in aanan halkaasi ku badbaadeyn. wax kastaaba waa si kale. Xitaa ma fahmi karo sida ay wax noqon doonaan. Ma awoodi karo in aan daboolo taariikhdeydii. Waxa aan noqonayaa wax la tuurey. Dadkuna waa ay i weerari doonaan.” Isaga oo ka hadlayay weerarkii uu xabsiga ku galey waxa uu yidhi “Ma aan aheyn qof xun. Waxa aan ku dhacay khalad ba’an, Hannaanka nolosheydu waxa uu ahaa mid khariban.”

Axmed , oo ku nool galbeedka  London, waxa uu sheegay in aanu dib ula kulmi doonin walaalkii, balse uu ku han weyn yahay guusha ciyaaryahanku gaadhey.

Mo Farah ayaa dhigay  taariikh kadib markii uu  ku guuleystay billado laba laba ah oo dahab ah orodka 5,000m  iyo 10,000m –  ciyaarihii olemybikada ee ugu dambeeyay.

Afhayeen ka tirsan wasaarada gudaha  ayaa sheegay in aanay ka hadalayn  kiisaska shaqsiyaadka. Haseyeehee waxa uu intaa raaciyay “Dowladdani waxa ay ka hor marisaa xuquuqda  muwaadiniinta Britishka ah kuwa dembiilayaasha iyo ajaanibka ku xadgudba dhaqankeenna ama ku   gala dembiyada  UK, taasi oo aanu shaki laheyn go’aankayaga ah in la mustaafuriyo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com