Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Shir Lagu Soo Bandhigay Doorkii Cali Samatar Ku Lahaa Xasuuqii Ka Dhacay

Shir Lagu Soo Bandhigay Doorkii Cali Samatar Ku Lahaa Xasuuqii Ka Dhacay dalka Oo Lagu Qabtay USA

Hargeysa (maantaSomaliland.com)-Waxa magaalada San Francisco ee dalka Maraykanka lagu qabtay shir balaadhan oo lagu soo bandhigay doorkii uu Madaxweyne Ku Xigeenkii hore ee Soomaaliya Maxamed Cali Samatar ku lahaa xasuuqii loo geystay shacbiga Somaliland isla markaana dhaqaale loogu ururinayay Ha’yad Maraykanka ah oo la yidhaahdo Xarunta cadaalada iyo xuquuqda aadamaha (Center for Justice and Accountability) oo loo soo gaabiyo (CJA) oo muwaadiniinta reer Somaliland ka taageeraysay dacwadaasi.

cali-samatarcja

Shirkaasi waxa ka soo qeyb galay masuuliyiin sar sare oo ka tirsan dawlada Maraykanka, shakhsiyaad caan ah oo maraykan ah iyo dad badan oo ka mid ah jaaliyada Somaliland ee wadanka Maraykanka. Shirkaasi waxa dadkii ka qeyb galay horkacayay xubno ka mid ah muwaadiniinta dacwada Cali Samatar dabada ka riixaya oo iyagu ka mid ahaa dadkii xunbo ka mid ah eheladooda la xasuuqay waxaanay kala ahaayeen C/Casiis Maxamed Iid, Baashe Cabdi Yuusuf, Aamina Faarax Jire iyo Cumar Yuusuf.

Shirkaasi waxa ka mid ahaa madaxdii ka soo qeyb gashay William H. Neukom oo ah ciyaar yahan caan ah oo reer San Francisco ah waana horyaalka champion-ka kubadda kollayga dalka Maraykanka. Kamala D. Harris oo ah Xeer Ilaaliyaha Guud ee California, horena u ahayd Xeer Ilaaliyaha guud San Fancisco iyo Eileen Chamberlain Donahoe, oo ah wakiilka Maraynka u qaabilsan UN-ka gaar ahaan Golaha Xuquuqda Aadamaha (Human Rights Council.

C/Casiis Maxamed Iid, Baashe Cabdi Yuusuf, Aamina Faarax Jire iyo Cumar Yuusuf, oo ka hadlay kulankaasi waxay ka warameen xusuuqii taliskii Siyaad Barre u geysteen shacbiga Somaliland. Waxaanay iftiimiyeen doorkii uu Cali Samatar ku lahaa xasuuqaasi.

Waxa kale oo ay shacbiga Somaliland gudo iyo dibadba uga mahad celiyeen sidii ay ugu dabaal dageen sanad guuradii 20-aad ee ka soo wareegtay dib ula soo noqoshadii madax banaanida Somaliland.

Sidoo kale, waxay tafaasiil ka bixiyeen taariikhda siyaasadeed iyo marxaladihii ay soo martay Somaliland, waxaanay Wakiilka Maraykanka u fadhiya xafiiska UN-ka u qaabilsan sugida xuquuqul insaanka Eileen Chamberlain Donahoe u gudibiyeen dukumantiyo ku saabsan taariikhda Somaliland iyo qoraalada gal dacwadeedkan.

Chamberlain Donahoe waxay dadkii kulankaasi ka soo qeyb galay u balan qaaday inay soo darsi doonto macluumaadka qoraaladaasi xambaarsan yihiin ka dibna ay u gudbin doonto xafiisyada arrimahaasi qaabilsan.

Kulankaasi oo qabsoomay todobaadkii hore waxa qaadhaan lacageed loogu ururiyay Ha’yada CJA, si loo dardar geliyo hawlaha maxkamadeynta Gacan ku dhiigle Maxamed Cali Samatar.
xuseen xarbi
hargaysa
maantasomaliland.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com