Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

SHIR BALAADHAN OO UCID XALAY KU QABSATAY BARIGA LONDON

(maantasomaliland)Waxaa shir isugu yimi Gudida Xisbiga UCID ee UK iyo Europe oo ka
dhacay guri ku yaala bariga London oo ay leedahay Marwo Asha Hussein
Maraykan. Ujeedada shirku wuxuu ahaa Sagootin loo samaynayey
Gudoomiyaha-ku-xigeenka koowaad ee Xisbiga, Mudane, Adam Mire Waqaf.
Waxa shirka gudoominayey Xoghayaha guud ee UK, Eng. Abdillahi Hassan
Amay. Waxa lagu bilaabay Aayado Quraanka Kariimka ah. Waxa shir
gudoonku u mahad naqay sida muga leh ee xubnuhu uga soo qayb galeen
shirka iyo Maryo Asha oo gogosha shirka iyo casuumadaba ka dhigtay
gurigeeda. Intaa dabadeed waxa uu shir gudoonku siiyey hadalkii
Gudoomiyaha UK, Dr. Abokor Fahiye. Gudoomiyaha ayaa isna mahadnaq
dabadeed war bixin ka bixiyey halka ay hawshu UK iyo Europe ahaanba u
marayso. In dardargalin iyo stratejiyad cusub ay u qorshaysantahay in
lagu hawl galo. In ay gudi ahaan xooga saari doonaan sidii ay dhaqaale
u samayn lahaayeen loogu tallo galo doorashada guud ee mudo afar sanno
ah dabadeed dhici doonta.

Intaa dabadeed, waxaa hadalkii qaatay Gudoomiye Waqaf oo marka hore
uga mahadnaqay soo dhaweynta iyo sagootintaba gudida UK. Wuxuu ka
hadlay shirkii Nairobi dhawaan ka dhacay ee Somalilandna tagtay in ay
lagama maarmaan tahay in saxaafada loo soo bandhigo wixii dhacay iyo
kaalinta ay Somaliland ku lahayd. In tallo qaran laga yeesho wixii ku
saabsan qadiyada Somaliland iyo gooni isu taageeda. Wuxuu gudoomiye
Waqaf warbixin ka bixiyey siday u dhacday soo dhaweyntii Gudoomiye
Faysal lagu soo dhaweeyey wadankii. Wuxuu ku nuuxnuuxsaday in UK oo
halbowle ah uu ku faraxsan yahay in si wadajir ah iyo isku duubni ay
hawsha u wadaan. Loona baahan yahay in hawsha kor loo sii qaado.
Waxaynu ku jirnaa wakhti kala guur ah oo go’aamo muhiim ah ka soo bixi
doonaan hogaanka sare ee xisbiga, iyada oo rag badani sheegeen inay
diyaar u yihiin in ay isa soo sharxayaan. Sidaa awgeed wadajirka iyo
isku duubnida ha la ilaaliyo marka shirweynuhu bilaabmo. Wuxuu
gudoomiye Waqaf ku booriyey xubnaha golaha dhexe iyo fulintaba inay ka
soo qayb galaan shirka golaha dhexe ee loo mudeeyey 25-ka July 2011.
Wuxuu sheegay in dadweynaha Somaliland ay soo tijaabiyeen labadii
xisbi ee kalaba oo iyada oo dadku isbedel doonayeen ay ku hungoobeen
codkii la siiyey xisbigii Kulmiye. Horana loo ogaa xisbigii UDUB iyo
mudadii wadanka ay maamulayeen oo dadku ka wada dharagsan yihiin sidii
ay dalka iyo dadkaba wakhtiga uga lumiyeen. Maanta waxa aan la
tijaabini waxa weeye xisbigan UCID oo dadku kalsooni weyn ku qabaan.
Mudadii aynu mucaaridka ahayna waxay ahayd mucaaridadeenu mid
‘constructive’ ah oo wax dhisaysa ee may ahayn mid wax duminaysa.
Maantana waxaynu u diyaar garoobaynaa hadii Alla yidhaa inaynu
hogaanka wadanka qabano si aynu umadeena uga saaro niyad jabka iyo dib
u dhaca dhinac kastaba ah. Arinka xisbiyada oo wiiga dambe la filaayo
in lagu dhawaaqo, inagu xisbi soo jiray 10 sanno ayaynu nahay oo
warwar inaguma hayso hadii la furo xisbiyo badan iyo hadii kale.

Intaa ka dib waxa hadalkii qaatay Mudane, Ibrahim-Rashid oo ahaa
gudoomiyihii hore ee UK oo ka tallo bixiyey sida uu shirka golaha
dhexe ee inagu soo fool leh looga midho dhalin lahaa. Isaga oo
tilmaamay in shirgudoonka shirkaasi uu noqdo nin xisbiga mudo ku soo
jiray oo wax badan og, isla markaana ah nin adag oo si fiican u hagi
kara shirka.

Waxa isna halkaa ka hadlay Mudane, Hussein-Asad oo ahaa gudoomiyihii
UK ee ka horeeyey Ibrahim-Rashid oo isna ka warbixiyey sida uu u arko
in loo dardar galin karo gudida UK. Wuxuu sheegay in rag badan oo
imika halkan fadhiyaa ay u bislaadeen siyaasada, mudana ku soo jireen
oo ay diyaar u yihiin in salaanka ay sare u sii fuulaan.

Waxa isna ka hadlay Mudane, Mohamed Iidle oo ka mid ah gudida fulinta
ayaa ka tallo bixiyey in aanu marnaba khilaaf ka dhex dhicin xisbiga
iyada oo sadexdii nin ee xisbiga ugu sareeyey ay wada sharaxan yihiin.
Waxaana loo baahan yahay cid dhexe oo xisbiga iyo musharixiinta isku
haya, halka dantu ku jirtana u go’aamiya.

Waxa kale oo ka hadlay Saeed Omer oo ah Gudoomiyaha Yurub, Mustafe
Ismail oo ah Gudoomiyaha London, Mustafa Abdillahi, Hamze Ahmed-Salaan
oo ah gudoomiyaha Mediyaha, Khalid oo ah gudoomiyaha dhalinyarada ee
Birmingham, Asha Hussein-Mareykan oo ahayd gudoomiyhii hore ee Yurub
garabka dumarka, Abni Mohamed Ali oo ah gudoomiye ku xigeenka Yurub ee
garabka dumarka, Abokor Mohamed, Ahlam Omer oo ah xubin cusub oo ku
soo biirtay xisbiga UCID.

Waxa la filaayey shirka inay ka soo qayb gasho xubin cusub oo hore ugu
soo biirtay xisbiga UCID oo la yidhaa Fadumo Saeed oo ka cudurdaartay
in aanay iman kareyn safar soo guda galay awgeed.

Waxa kale oo shirka TACSI loo wada dhan yahay loo direy geerida
naxdinta lahayd ee ku timid Xoghayaha warfaafinta iyo saxaafada UCID
oo aabahii ku geeriyooday Marxuum YUSUF CISMAAN (Yusuf Ciro)magaalada
Hargaysa, waxayna ILAHAY uga baryahaan inuu samir iyo iiman ka siiyo.
Amiin
yuusuf jaamac
london

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com