Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

WAR DEG DEG Ah : Maxkamada Sare Oo Ku Dhawaaqday Go’aamada Ka Soo Baxay Dacwadii Xisbiga UCID.

(msl)Waxaa maanta lagu dhawaaqay go’aankii maalmahanba la sugayay ee ku saabsanaa dacwada labada garab ee uu ukala jabay xisbiga mucaaradka ah ee UCID.

Go’aamadan ayaa waxaa ku dhawaaqay gudoomiyaha maxkamada sare ee Somaliland Aadan Xaaji Cali oo ay hareero fadhiyaan garsoorayaasha maxkamada sare.

Waxaana goob joog ka ahaa labada garab ee dacwadu ka dhaxayso oo ay kala hogaaminayaan Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Fayal Cali Waraabe iyo Musharax jagada madaxwayne ee Xisbiga Jamaal Cali Xuseen.

Qodobada ay maxkamadu ku dhawaaqdayna waxay kala ahaayeen sidan:-

1       in shirwaynaha Xisbiga Ucid lagu qabto muddo  lixdan cisho ah.

2       In gudida qaban qaabada oo ka kooban toban xubnood

loo qaybsado si isleeg (shan iyo shan ).

3       In Ergada laxulayo loo raaco xeerka xisbiga.

4       Heshiiska ay wada galeen Faysal Cali Waraabe iyo Jamaal Cali Xuseena waxa uu ansax noqonayaa marka la qabto shirwaynaha xisbiga.

5       Go’aanka ugu dambeeya waxaa iska yeelanaya hogaanka xisbiga.

Warkan oo faahfaahsan iyo waxa ay ka yidhaahdeen garabyada dacwadu ka dhaxaysay kala socoSHABAKADA WARARKA EE MAANTA SOMALILAND.COM

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com