Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Gudoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland Prof Aadan Xaaji cali ayaa maanta mid mid kulan ula yeeshay masuuliyiinta saddexda xisbiga qaran ee WADDANI,UCID,iyo KULMIYE

Gudoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland Prof Aadan Xaaji cali ayaa maanta mid mid kulan ula yeeshay masuuliyiinta saddexda xisbiga qaran ee WADDANI,UCID,iyo KULMIYE iyo waliba gudida komishanka doorashooyinka Somaliland.

Waxaana kulankani oo ahaa mid ay albaabadu u xidhanaayeen ujeedadiisu daaranayn sidii uu gudoomiyaha maxkamadda sare wax uga wayn diin lahaa masuuliyiinta arimaha doorashooyinka iyo waliba go’aanka madaxwaynuhu ku kala qaaday labada doorasho ee golaha wakiilada Somaliland iyo madaxtooyada isla markaana golaha wakiiladu ansixiyeen.

Gudoomiyuhu ayaa la sheegay inuu mid mid masuuliyiintani u waydiiyay mawqifka ay ka taagan yihiin arinkani kala qaadista labada doorasho ee madaxtooyada iyo golaha wakiilada .

Waxaana la filayaa in gudoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland maalinta bari ah ku dhawaaqo natiijada kasoo baxday kulamadani iyo waliba go’aanka maxkamadda sare ka qaadato arinkani kala qaadista labada doorasho ee is barkan ee loo balansanaa in ay dhacdo 2017-ka.

bisha march

farax  xuseen  cabdilaahi

hargaysa office

maantasomaliland.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com