Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Mudaneyaal Xukuumada Somaliland Ugu Baaqay Inay Faraha kala Baxdo Golaha Wakiilada

Mudaneyaal Xukuumada Somaliland Ugu Baaqay Inay Faraha kala Baxdo Golaha Wakiilada
Mudaneyaashii watay mooshinkii wax ka bedelka xeer hoosaadka ee shirgudoonku sheegeen inuu buray maanta shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Hargeysa waxay ku difaaceen sharcinimada dacwad ay u gudbiyeen Maxkamada Sare ee Somaliland Sabtidii. Mudaneyaashani intii aanay maanta gudo gelin shirkooda jaraa’id waxay ku gacmo saydheen ergo uu Xildhibaan X. Cabdi Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe) oo ka tirsan Golaha Guurtidu ugu tagay kana dalbay inay sugaan go’aanka ka soo baxa dacwada ay Maxkamada sare u gudbiyeen. Hase yeeshee Mudaneyaashaasi waxay sheegeen inay doonayaan inay ummada sheegaan nuxurka dacwadooda. Waxa shirkaasi jaraa’id ka hadlay Xildhibaan Xaashi Xuseen Caabi, waxaanu difaacay mooshinkoodii oo uu ku sifeeyay mid lagu hagaajinayo xeer hoosaadkooda. Waxaanu cambaareeyay tallaabadii shirgudoonku ku xidhay fadhiyadii golaha. Xildhibaan Xaashi Xuseen Caabi wuxuu xukuumadda Siilaanyo ugu baaqay inay faraha kala baxdo shaqada Golaha. Sidoo kale waxa shirkan ka hadlay Xildhibaan Axmed Ibraahim Daahir (Axmed-Weyne) oo ka hadlay shirkaasi jaraa’id wuxuu yidhi “Waxaanu doonaynaa in aanu hagaajisano xeer Hoosaadka Golahayaga waxa loo turjumay si khalad ah waxana ay shir gudoonku sheegaan in iyaga la doonayo in la ridayo. arrintaasina sidaas ma aha, haddii aanu doonayno in aanu ridno toos ayaanu u wajihi lahayd, tan kalena wakhtigoodii waabu dhamaaday, oo waxa ay tahay in dib loo soo doorto shir gudoon. Markii aanu is qabanay waxana soo kala dhex galay Madxweynaha oo markii uu London joogay nagu yidhi waar arrintaas igu sima intaan imanayo, markii uu yimid waxa aanu u dirnay 13 Mudane, oo aan ka mid ahaa Madaxweynuhu markii aanu u tagnay isagaa hadalkii noo bilaabay oo waxa uu noo sheegay go’aan uu soo gaadhay oo ahaa in aad waxa ka badashaan Qodobka 55 mudane ee ridaya Shir Gudoonka ma aqbalayo, anaguna waxaanu ka filanay in uu anagu yidhaa, waxaanu ku nidhi Mudane Madxweyne Golaha Shaqadiisa farahah kala bax.” Sidoo kale, waxa shirkaasi jaraa’id ka hadlay Mudane Saleebaan Cawad Bukhaari waxaanu isaguna ka waramay mooshinkoodan iyo xaqa ay u leeyihiin inay xeer hoosaadkood

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com