Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Fanaanadda caanka ay ee Ikraan Jaamac oo ayaa dhaliillo u soo jeedisay idaacadda VOA-da, laanteeda Afka Soomaaliga iyo qaarka mida warbaahinta madaxa bannaan ee Somaliland.

Hargaysa (maantaSomaliland.com)- Fanaanadda caanka ay ee Ikraan Jaamac oo ayaa dhaliillo u soo jeedisay idaacadda VOA-da, laanteeda Afka Soomaaliga iyo qaarka mida warbaahinta madaxa bannaan ee Somaliland.

Ikraan Jaamac oo ka mida fanaaniinta qaranka Somaliland, ayaa shir jaraa’id oo maanta ku qabatay magaalada Hargeysa waxa ay ku cambaaraysay laanta afka Soomaaliaga ee idaacada VOA-da oo ay sheegtay in laga sii daayay heeso ay iyadu leedahay oo ay dad kale qaadayaan waxaanay tidhi iyada oo arrintaasi ka hadlaysa “Waxaan halkan ka dhaleecaynayaa idaacada VOA-da laanteeda Afka Soomaaliaga oo isticmaasha wax aanay lahayn, taas oo aduunkana tidhaahda xuquuqda binu-aadamka ha la ilaaliyo, markaa shantaydan heesood ee gabadha yari meelahaa ku soo garaacatay, ha layga daayo anaa iska leh waana ubadkaygii oo anaa iska leh heesahaygu wey yaalaan idaacadee ha la saaro.”

Sidoo kale waxay fanaanadani dhaliil u soo jeedisay idaacada Barkulan iyo Mareegta internet-ka ee ciwaankeedu yahay waryaa Tv, kuwaasi oo ay sheegtay in ay sidaasi oo kale u isticmaalaan heesaheeda laga soo daba qaaday ee loo yaqaano Koobiga, waxaanay tidhi “Websaydka layidhaahdo waryaa TV oo isagu heestii shantaan dhabnada hayaa macaa abwaankii lahaa been ka sheegay, waxaanay ku sheegeen in uu Mahad-yare lahaa.
Mahad-yare malaha ee waxaa leh abwaan Aakhiro Cali Cilmi, laxankana waxaa iska leh Maxmed Faarax Xirsi , haddii ay dhacdo in gabadhaas yari oo magaceeda la yidhaahdo Sagal Aartis ay heesahayga qaado, dhibaato mabay yeelateen oo ay magacayga sheegayso.”

Ugu danbayntii Fanaanda Ikraan oo ay wehelinayeen fanaaniin kale oo ay ka mid ahayd Sahra Cali Xasanayaa, waxa ay ka codsatay idaacadahaasi iyo warbaahinta kaleba inay joojiyaan heesaha ay siidaynayaan ee Koobiga ah, iyagoo heli karaaya kuwoodii orjinaalka ahaa

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com