Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Somaliland: Manhajka Iyo Buugaagta Dugsiyada Sare Ee Dib U Eegida Lagu Sameeyey Maka Turjumayaan Baahida Nooca Waxbarasho Ee Ardayga

Somaliland waxa ay markii labaad dib u eegis ku samaysay Manhajka iyo Buugaagta ay ardayda Dugsiyada Sare, kuwa Hoose iyo kuwa Dhexe ay wax ka bartaan, intii Somaliland ay ku dhawaaqday inay ka go’day Somalia sanadkii 1991-kii.

technologyManhajkan iyo Buugaagtan cusub ee loo dajiyey Ardayda ayaa waxa ka mid ah in Ardayda Dugsiyada Sare ay sanadkii bartaan Toban Maado oo kala ah; Taariikh, Juquraafi, Xisaab, Chemistry, Biology, Physics, Ingiriisi, Carabi, Diin iyo Soomaali, taas oo macnaheedu yahay in sanadkii ay dhigtaan Toban Buug, waxaana isu geyn afarta sano ee ay dugsiyada sare ku jiraan waxbarashada Form1 ilaa Form4 ay dhiganayaan 40 Buug.

justify;”> Agaasimaha Xafiiska Manaahiijta Somaliland, Mr Cabdilaahi, Yaasiin ayaa Wariye Axmed Cige u sheegay in dib u eegida manhajka Waxbarashada Somaliland uu la jaanqaadayo baahiyaha Ardayga ee xiligan casriga ah iyo Technologyada, isagoo arintaasi ka hadlaya Agaasimuhu waxa uu yidhi “Caalamka waxbarashadiisu way isbadalaysaa oo waa la tayeynayaa oo meel uun ma taagna Technology-yada haday tahay iyo culuumta haday tahay intaa waa la habaynayaa.” Ayuu yidhi Agaasimuhu, waxaanu intaasi ku daray “Wasaarada Waxbarashadu waxa ay qaaday si ay ula jaanqaado waxbarashada dalkeena manhajkiina dib loogu noqdo ka dugsiyada Sare, markaa waxa aanu dejinay Muqarar cusub oo dib loo eegayo wixii jiray haday tahay dugsiyada Sare iyo haday tahay Dugsiyada Hoose iyo Dhexeba, iyadoo la tayeynayo muqararkaa Ardayda loogu talo galay inay wax ka bartaan.”

Agaasimaha mar aan waydiiyay waxa ay ahmiyada siiyeen iyo xirfadaha ku jira waxbarashada Dugsiga Sare ee hadii uu ardaygu u baahdo inuu shaqa tago uu ku shaqa tagi karo ayaa waxa uu yidhi “Waayo maanta waxa Ahmiyada la siiyaa xagga waxbarashada waxa weeyi xaga xirfadaha, waa inay ka bartaan ubadku duruustan ay qaadanayaan wax la yidhaahdo xirfado, haday tahay xirfad nololeed oo ay noloshooda ku dabaqaan, haday tahay xirfad aqooneed, hadii ay tahay xirfad waxbarasho, iyadoo taa lagu salaynayo ayaa dib loo eegay Manhajka Somaliland”. Ayuu yidhi Agaasime Cabdilaahi Yaasiin. Waxaanu intaasi ku daray “Waxa aanu isugu yeedhnay 106 Aqoonyahan oo reer Somaliland ah oo dugsiyadeena sare iyo dugsiyadeena hoose wax ka dhiga iyo jaamacadaha, shirbaa loogu qabtay xafiiska Manaahiijta, wasiirka iyo masuuliyiinta xafiiska manaahiijta ayaa ka soo qaybgashay, waxa la yidhi ‘ceelna uma qodna cidina uma macqna ubadkeena,’ baahidaasina way jirtaa ha ugu daraato ta dugsiyada sare oo ilaa 1997-kii aan helin buugaag ay wax ka bartaan oo tayo leh.

Waxa aanu 106 Macalin oo ah kuwa Primery-ga iyo dugsiyada Sare dejinaya, waa lala hadlay waxaana la yidhi arinkaasaanu wadnaa waxaananu doonaynaa inaad ubadkii buugaag u dajisaan.

Waxa aanu sidaasi muddo laba bilood iyo badh ah aanu ku diyaarinay 40 Buug oo kuwii dugsiyada sare ah, waxa lagu dhigtaa 10 maadadood, maado kastaaba waa afar grade Form1 ilaa Form4, waa Afartan Buug.

Intaynaan Manhajkaba dib u eegin Wasaarada Waxbarashadu waxa ay samaysay waxa la yidhaahdo (Need Assessment), baadhitaanka iyo xog ururinta waxbarashada dalkeenu u baahan yahay nooca ay noqonayso? waxa aanu kooxo kala duwan dalka oo dhan aanu u kala dirnay markii loo sameeyey nidaam iyo qoraalo ay raacaan inay warbixinta ka soo diyaariyaan gobolada dalka oo dhan, ilaa degmooyinka oo dhan haday culimo tahay, haday waalidiin tahay iyo haday dhalinyaro tahayba iyo haday madax qaran tahayba, haday waalidiin tahay, si ay in uun wax uga sheegaan tacliinta ay u baahan yihiin nooca ay noqonayso oo saddex jeer arintaasi la sameeyey oo markii u dambaysayna shir weyne qaran lagu qabtay hotel Ambassador oo ay ka soo qaybgaleen oo ay ka soo qaybgaleen ugu yaraan 150 qof oo Bulshada reer Somaliland ah, waxaana laga sameeyey Documents weyn oo buug ah oo la yidhaa (Curriculum frame work)”.

Dhinaca kale Maxamed Cabdi Jaamac oo ah arday wax ka bartay dugsiyada sare ee Somaliland ayaan waydiiyey waxyaabaha ay tahay in Manhajka iyo buugaagta dugsiyada sare ee Somaliland lagu daro si ay ula jaanqaadaan Caalamka waxaanu yidhi “Marka hore waxaan odhan lahaa ardaygu wuxuu doonaba ha bartee, waxa muhiim ah in Ardayga laga dhiso saddex maado oo u fududaynaya ama ka caawin kara inuu maado kasta oo kale uu si fudud u barto, sadexdaasi maadona waxa ay kala yihiin; Xisaabta (Math’s), Af-ka Ingiriisiga oo aqoonta aduunka badankeedu ku qoran tahay (English) Iyo Kamputer-ka Iyo Internet-ka sida loo isticmaalo oo u fududaynaya inuu aqoonta ka baadho degelka Internet-ka. Dugsiyada Sare ee Dalkeenana laguma dhigto Tichnology-yada (Basic Technology) iyo barashada Komputer-ka, wax kale oo xirfad ah oo lagu barto oo la odhan karo ardayga dugsiga sare marka uu ka baxo wuu ku shaqa tagi karaana ma jirto.” Maxamed oo hadalkiisa sii wataana waxa uu intaasi ku daray “Dugsiga Sare ee SOS ee magaalada Sheekh oo kaliya ayaa lagu dhigtaa Komputer-ka iyo Tichnology-yada aasaasiga ah.”

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com