Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Agaasime waaxeedyada iyo shaqaalaha wasaarada Arimaha Guddaha oo beeniyay war uu qoray Wargeyska Waaheen. ma jirto guno ay Hay’ada UNDP siiso shaqalaha wasaarada arimaha guddaha, shaqaaluhuna waxay u shaqeeyaan..Agaasimaha Maamulka iyo Lacagta.Mr Dubbe..

Hargaysa(maantasomaliland.com):-Agaasime waaxeedyada iyo shaqaalaha wasaarada Arimaha Guddaha Somaliland oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta wasaarada ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay war uu qoray wargeyska Waaheen.
Warkan uu wargeyska Waaheen qoray ee ay beeninayeen agaasime waaxeedyada iyo shaqaalaha wasaarada Arimaha Gudduhu ayaa sheegayay in horaantii todobaadkan ay shaqaalaha wasaaradaasi sameeyeen shaqo joojin iyo mudaharaad ka dib markii laga jaray lacag guno ahayd oo ay siin jirtay hay’ada UNDP sida uu wargeysku qoray,laakiin shaqaalahan ka tirsan wasaarada arimaha guddaha ayaa warkaasi ku sifeeyay mid been ah.
Agasimaha guud ee wasaarada Arimaha Guddaha C/laahi Xuseen Cigge ayaa sheegay in aanay waxba ka jirin warka uu qoray wargeyska Waaheen isla markaana uu yahay been cad,waxaanu sheegay Mr Balaaki in cadaynta warkaasi looga fadhiyo wargeyska qoray.

Maxamed Cismaan Dubbe oo ah Agaasimaha maamulka iyo lacagta ee wasaarada arimaha Guddaha oo shirkan jaraa’id ka hadlay ayaa ugu horayn ka hadlay u jeedada ay shirka jaraa’id u qabteen waxaanu yidhi “waxaanu doonaynaa in aanu beenino war ku soo baxay wargeyska Waaheen maalintii arbacadii todobaadkii hore,kaasi oo ciwaan looga dhigay shaqaalaha wasaarada arimaha guddaha oo sameeyay mudaharaad ka dib markii guno ay siin jirtay Hay’ada UNDP laga jaray”.

Agaasimaha maamulka iyo lacagta ee wasaarada arimaha Guddaha Maxamed Cismaan Dubbe waxaa kale oo uu cadeeyay in aanay jirin wax guno ah oo ay Hay’ada UNDP siiso shaqaalaha wasaarada Arimaha Guddaha waxaanu yidhi “waa marka koowaade ma jirto guno ay Hay’ada UNDP siiso shaqalaha wasaarada arimaha guddaha, shaqaaluhuna waxay u shaqeeyaan wasaarada ee uma shaqeeyaan Hay’ada,maalintaasi arbacada ah shaqaalaha wasaaradu waxay shaqada ka bexeen labadii duhurnimo wax mudaharaad ah oo dhacayn muu jirin,balse cadaynta warkaasi waxaanu uga fadhinaa cida qortay”.ayuu yidhi Mr Dubbe.
Isaga oo hadalkiisa sii watana waxaa uu yidhi “halkan waxaa ku dhan agaasime waxeedyada iyo shaqaalaha wasaarada,waxaa jirta guno xileed ay qaataan agaasime waaxeedyada wasaaradu oo sharciyaysan oo ay dawladu ogtahay ,garan mayno meesha uu ka keenay wargeyskaasi shaqaalaha arimaha guddaha oo ka gadooday guno ay siin jirtay Hay’ada UNDP oo laga jaray,run ahaantii arintani waa wax lala yaabo oo aan meesha qaban”
maantasomaliland.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com