Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta xadhiga ka jaray dhismaha cusub ee Golaha Wakiilada oo uu maal geliyay Ururka Baarlamaanada Afrika ee AWEPA.

Hargeysa (maantaSomaliland.com)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta xadhiga ka jaray dhismaha cusub ee Golaha Wakiilada oo uu maal geliyay Ururka Baarlamaanada Afrika ee AWEPA.

Xaflad balaadhan oo loo sameeyay furitaanka dhismahan waxa ka soo qeyb galay masuuliyiinta sadexda xisbi qaran, Shirgudoonka Golaha Guurtida, Wasiirro iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ka hadlay xafladaasi u mahad celiyay shirgudoonka iyo Mudaneyaasha Golaha wakiilada ee ku soo dhaweeyay xarutna aqalkaasi waxaanu tilmaamay inuu u mahad celinayo ururka AWEPA oo maalgeliyay dhismaha xaruntan

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo hadalkii uu ka jeediyay mashaasi wuxuu u dhignaa sidan:- “Waxaan doonayaa inaan idiin sheego in Go’aankii Ururada wax ka bedalkiisa iyo in kaabis lagu sameeyo waan idiin soo gudbiyey waanad ogaydeen in muddo ah inaan guddi u saaray oo ay dood badani ka taagnayd, gudidii waxay soo waraysatay Shacbiga oo dhan igyaga oo soo samaayey qiimayn fara badan, waxaanay soo jeediyeen in shacbigu doonayo in Asxaabtii la furro sidii dhaqanka ahayd go’aankaas axsaabta waa in wax ka bedal lagu samaynayo xeerarka nidaanka Asxaabta waanan idiin soo gudbiyey Inshaalaah waxaan rajaynaa inaydun (Wakiilada) waajibkiina ka gudan doontaan.

waaanagii gacan galinay arsoorka iyo Maxkamadaha oo tacadiyo badani ay ka jireen arrinkaas isku bedal ayaaan ku samayey Garsoorayaasha iyo gudoomiyaha Maxkadamada Sare intooda badan. markaa inaad ansixisaan isku bedalkaas ayaan idinka Codasayaa waanad Mahad santihiin.”

Madaxweynaha ka hor waxa xafladaasi hadal ka jeediyay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa u mahad naqay Ururka AWEPA ee Baarlamaanka Afrika oo maalgeliyay dhismahan.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in dhismahan ay ku baxday 310 kun oo Dollar, waxaana kharashkaasi 10% bixisay xukuumada cusub ee Somaliland.
waxa kale oo uu xusay in dhismahan ay gacan ka geysteen Golaha Wakiiladdu.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com