Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta xilkii ka qaaday Guddoomiyihii Maxkamada sare ee Somaliland Maxamed Xirsi Ismaaciil (Oomane) iyo garooreyaashii maxkamadaasi. Waxa kale oo uu magacaabay garsooreyaal cusub oo ka hawl geli doona Maxkamada sare. Sidaasi waxa lagu sheegay war saxaafadeed ka soo baxay xarunta Madaxtooyada Somaliland oo uu ku saxeexnaa Af-hayeenka Madaxtooyada Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) waxaanu u dhignaa sidan:-

Hargeysa (maantaSomaliland.com)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta xilkii ka qaaday Guddoomiyihii Maxkamada sare ee Somaliland Maxamed Xirsi Ismaaciil (Oomane) iyo garooreyaashii maxkamadaasi. Waxa kale oo uu magacaabay garsooreyaal cusub oo ka hawl geli doona Maxkamada sare.

Sidaasi waxa lagu sheegay war saxaafadeed ka soo baxay xarunta Madaxtooyada Somaliland oo uu ku saxeexnaa Af-hayeenka Madaxtooyada Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) waxaanu u dhignaa sidan:-

“Waxa uu maanta Digreeto Madaxweyne ku kala Diray Guddida Garsoorayaasha Maxkamada Sare isla markaana waxa uu Madaxweynuhu xilkii ka qaaday Gudooomiyihii Maxkamada sare, isla markaana Madaxweynuhu waxa uu labada Gole ee Guurtida iyo Wakiilada u gudbiyey xilka qaadista Gudoomiyaha Maxkamada Sare, sida uu sharcigu tilmaamayana waxa uu madaxweynuhu ka Codsaday in ay Waajibkooda Sharci ka gutaan kana aqbalaan xilka qaadista Gudoomiyaha Maxkamada Sare.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu magacaabay Garsoorayaashii Buuxin lahaa Xilalka Bannaanaaday.

Talaabadan madaxweynuhu ku kala Diray Guddida Garsoorayaasha waxay qayb ka tahay toosinta garsoorka Dalka oo uu saluug badani ka jiray.

Waxaanu Madaxweynuhu Digreetadiisa ku yidhi sidan :-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,

Markuu Arkay: Qodobka 105aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,

Markuu Arkay: Warbixintii iyo talo soo jeedintii Guddida Cadaaladda ee ku taariikhaysan10/04/2011, taasoo tilmaamaysay in ay adagtahay wada shaqaynta Gudoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Guddida Cadaaladdu,

Markuu Arkay: Deraasada iyo u kuur-galkii uu La-Taliyaha Madaxweynuhu ee Arrimaha Nabadgelyadu ku soo bandhigay xaaladda maxaabiista jeelasha dalka garsugayaasha ku ah iyo duruufahooda kala duwan oo muujinaysay cadaalad darrada baahsan ee wadanka ka jirta,

Markuu Yaqiinsaday: In Gudoomiyaha Maxkamadda Sare aanu wadi Karin dib-u-dhiska Garsoorka iyo sugidda Cadaaladda ee uu Qarankani u baahanyahay.

Wuxuu Go’aansaday

In laga bilaabo taariikhda maanta uu xilkii Gudoomiyenimo ee Maxkamadda Sare ka qaado Mudane, Maxamed Xirsi Ismaaciil (Oomane).

Xilka Qaadista Garsoorayaasha waxa uu madaxweynuhu u cuskaday qodobadan Dastuuriga ah :-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,

Markuu Arkay: Qodobka 105aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,

Markuu Arkay: Warbixintii iyo talo soo jeedintii Guddida Cadaaladda ee ku taariikhaysan 10/04/2011, taasoo tilmaamaysay in ay adagtahay wada shaqaynta Garsooreyaasha iyo Guddida Cadaaladdu,

Markuu Arkay: Deraasada iyo u kuur-galkii uu La-Taliyaha Madaxweynuhu ee Arrimaha Nabadgelyadu ku soo bandhigay xaaladda maxaabiista jeelasha dalka garsugayaasha ku ah iyo duruufahooda kala duwan oo muujinaysay cadaalad darrada baahsan ee wadanka ka jirta,

Markuu Yaqiinsaday: In loo baahanyahay firfircooni iyo dhiig cusub lagu soo kordhiyo Garsooreyaasha Maxkamadda Sare oo ka qayb qaadanaya dib-u-dhiska Garsoorka iyo sugidda Cadaaladda ee uu Qarankani u baahanyahay.

Wuxuu Go’aansaday

1. In laga bilaabo taariikhda maanta uu xilkii Garsoore ka qaado Mudane, Shawqi Cilmi Cali.

2. In laga bilaabo taariikhda maanta uu xilkii Garsoore ka qaado Mudane, Cismaan Xuseen Khayre.

3. In laga bilaabo taariikhda maanta uu xilkii Garsoore ka qaado Mudane, Axmed Diiriye Qaalib.

4. In laga bilaabo taariikhda maanta uu xilkii Garsoore ka qaado Mudane, Cabdi Cilmi Xasan.

5. In laga bilaabo taariikhda maanta uu xilkii Garsoore ka qaado Mudane, Maxamed Yuusuf Caynaan.

6. In laga bilaabo taariikhda maanta uu xilkii Garsoore ka qaado Mudane, Cismaan Ismaaciil Axmed.

7. In laga bilaabo taariikhda maanta uu xilkii Garsoore ka qaado Mudane, Sh. Maxamed Cabdi Naleeye.

8. In laga bilaabo taariikhda maanta uu xilkii Garsoore ka qaado Mudane, Maxamuud Xirsi Faarax.

Magacaabista Garsoorayaasha Cusub:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,

Markuu Arkay: Qodobka 101aad iyo 105aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,

Markuu Arkay: Baahida loo qabo in loo magacaabo Garsooreyaasha Maxkamadda Sare ee Qaranka,

Markuu Arkay: Khibradooda iyo waayo aragnimadooda ay u leeyihiin xirfadda Garsoorenimo,

Markuu isku Qanciyey: In ay hanan karaan xilka iyo waajibaadka Garsoorenimo.

Wuxuu Go’aansaday

1. In Mudane, Axmed Xuseen Dirir, u ahaado Garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ee Qaranka JSL.

2. In Mudane, Cabdiqaadir Axmed Maxamuud, u ahaado Garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ee Qaranka JSL.

3. In Mudane, Cabdiraxmaan Madar Caraale, u ahaado Garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ee Qaranka JSL.

4. In Mudane, Cabdiraxmaan Sh. Saalax Maxamed, u ahaado Garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ee Qaranka JSL.

5. In Mudane, Maxamed Cumar Geele, oo dib loo magacaabo Garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ee Qaranka JSL.

6. In Mudane, Yaasiin Xasan Ismaaciil, oo dib loo magacaabo Garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ee Qaranka JSL.”
xuseen xarbi
hargaysa

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com