Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Suldaan Maxamed Suldaan C/Qaadir Oo Xaalad Caafimaad Loogu QaadJabuutiay

Suldaan Maxamed Suldaan C/Qaadir Oo Xaalad Caafimaad Loogu QaadJabuutiay

Suldaan Maxamed Suldaan C/Qaadir, oo ah Suldaanka guud ee beelaha Somaliland, ayaa maanta xaalad caafimaad darteed loogu qaaday cisbitaal ku yaala wadanka Jabuuti,ka dib markii uu xanuunsanay muddo laba ilaa sadex bilood ku dhow. waxa gacan weyn ka geystay qorshaha lagu qaaday Suldaanka Xukuumadda Somaliland, sida uu caawa shabakada wararka ee Somaliland.org u sheegay mid ka mid ah ehelada Suldaanka.

Suldaan Maxamed Suldaan C/Qaadir oo sida la sheegay muddo bilo ah xanuunsanayay waxa tigidhkii diyaaradda ka bixisay xukuumada Somaliland, waxaanu noqonayaa qofkii sadexaad ee masuul ah ee lagu soo daweeyo dalka Jabuuti tan iyo markii uu is bedelay cilaaqaadka labada dale e Somaliland iyo Jabuuti ee weftigii Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ay dhawaan socdaalka ku tageen dalka Jabuuti.
Mid ka mid ah ehelada Suldaan Maxamed Suldaan C/Qaadir ayaa ammaan u soo jeedisay xukuumadaha Somaliland iyo Jabuuti oo iska kaashaday sidii Suldaanka loogu soo dawayn lahaa cisbitaalada wadanka dariska ah ee Jabuut. Suldaan Maxamed waxa la sheegay inuu hayo xanuunka Nimuuniya, oo uu jiifay muddo.
Waxa hore loogu soo daweeyay dalka Jabuuti Xoghayaha Maaliyada ee xisbul xaakimka KULMIYE Md. Maxamed Cabdi Iskeerse iyo Wasiirka Maaliyada Eng. Maxamed Xaashi Cilmi.
Dalka Jabuuti oo tobankii sanadood ee la soo dhaafay laga hirgaliyay Cisbitaalo casri ah oo lagu qalabeeyay shaybaadho casri ah isla markaana ay ka hawl galaan dhakhaatiir khibrad leh oo iskugu jira Ajaanib iyo kuwo u dhashay dalka Jabuuti

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com