Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

8 Sarkaal oo ka Soo Goostay SSC oo ku soo Biiray Shir Nabadeedka ka Furmaya Widh-widh

8 Sarkaal oo ka Soo Goostay SSC oo ku soo Biiray Shir Nabadeedka ka Furmaya Widh-widh

Widhwidh (maantaSomaliland.com)- Siddeed sarkaal oo ka tirsan kooxda nabad diidka ah ee SSC, ayaa maanta soo gaadhay degmada Widhwidh ee gobolka Buuhoodle, ka dib markii ay ka tanaasuleen kooxdaasi, isla markaana ay go’aansadeen in ay ku biiraan shir nabadeedka maalinta bari ee arbacada ah ka furmaya magaalada Widhwidh.
Saraakiishan oo maanta si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Widhwidh waxa hogaaminayay guddoomiyaha gudida khusaasida (golaha dhexe) ee SSC C/risaaq Xasan Ismaaciil (Gacanlow) waxana weheliyay xoghiyihii maaliyada ee SSC, Cismaan X. Cali, xubin ka tirsan golaha dhexe oo magaciisa la la yidhaahdo Maxamed Cawil Ducaale.
Waxa kale oo masuuliyiinta kooxda SSC ee Widhwidh soo gaadhay ka mid ah C/risaaq Muuse Faarax oo kooxda SSC ugu magacawnaa badhasaabka Buuhoodle iyo Mustafe Xuseen Jibriil oo isna ku magacawnaa maayarka Buuhoodle.

Sidoo kale saraakiisha ka soo goostay kooxda nabadiidka ah waxa ka mid ah C/risaaq Yuusuf oo maleeshiyadaasi ugu magacawnaa aaga Tuko raq iyo Cabdi Muuse oo isna ka mid ahaa horjoogayaasha kooxda nabad diidka ah iyo afartameeyo ka mid ah maleesiyadaasi.
Dhinaca kale waxa magaalada Widhwidh ay la ciirciiraysaa tirada dadka u yimid ka qaybgalka shirka maanta ka furmaya magaaladaasi waxana ka qaybgalaya 250 ergo o ka kala yimid goboolada Sool iyo Buuhoodle.

Shirkan nabadeed oo ay xukuumadda Somaliland u dhigtay siyaasiyiinta, isimadda, cuqaasha, aqoonyahanada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Sool iyo Buuhoodle, waxaa shirkaasi xukuumadda Somaliland matalaya wasiiradda Xanaanada Xoolaha, Dr Cabdi aw Daahir, wasiirka Duuliista iyo Hawada, Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, la taliyaha madaxweynaha ee gobollada bariga Md. Fu’aad Aadan Cadde, agaasimaha guud ee caafimaadka Md. Cabdi Guray iyo afhayeenka madaxtooyada C/laahi Maxamed Daahir (Cukuse).

Waxa kale oo iyaguna goob joog ka ah mudanayaal ka tirsan golayaasha wakiilada iyo guurtida oo kala ah Md. Maxamed Faarax Qabile iyo Maxamuud Axmed Barre (Garaad) oo ah xubin sharafeed ka tirsan Guurtida.

Shirkan nabadeed waxa lagu qabanayaa taandho weyn oo lagu xardhay calanka Somaliland iyo hal ku dhigyo la xidhiidha ahmiyada nabadgleyadu u leedahay bulshada.
xuseen xarbi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com