Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dr. Xuseen Muxumed Maxamuud (Xuseen xoog) ayaa maanta ka qeyb galay xaflad ay ku mataanoobayeen kulliyada caafimaadka ee jaamacadda Hargeysa iyo jaamacad caafimaadka ah oo ku taala wadanka jarmalka ah.

Hargeysa (maantaSomaliland.com)-Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dr. Xuseen Muxumed Maxamuud (Xuseen xoog) ayaa maanta ka qeyb galay xaflad ay ku mataanoobayeen kulliyada caafimaadka ee jaamacadda Hargeysa iyo jaamacad caafimaadka ah oo ku taala wadanka jarmalka ah.

xafladaasi oo lagu qabtay xarunta jaamacadda Hargeysa waxa ka hadlay Wasiirka caafimaadka Somaliland Md. Xuseen Muxumed Maxamed ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in jaamacada Hargeysa ay la mataanowdo jaamacad ku taala wadanka Jarmalka waxaanu xusay inay Kulliyada caafimaadka ee Jaamacadda Hargeysa ay u baahnayd jaamacad ay iskaashi la yeelato oo ay ka faa’iidaysato.

Waxa isaguna xafladaasi ka hadlay Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa Muuse Cabdi Cilmi, waxaanu sheegay in suurto galinta iskaashiga jaamacada Hargeysa iyo Jaamacad ku taala Jarmalka uu suurtogeliyay urur samo-fal oo wadaniya oo magaciisu yahay Tawakal.

Waxa kale oo xafladaasi ka hadlay Wasiir Ku Xigeenka wasaarada waxbarashada iyo tacliinta Sare Mudane Cali Xaamud Jibriil oo ka hadlay xafladaasi ayaa sheegay inuu soo dhawaynayo jaamacadahan midoobay waxaanu carabka ku dhuftay in wasaarada waxbarashadu ay ka go’an tahay sidii kor loogu sii qaadi lahaa
xuseen xarbi
hargaysa

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com