Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

– Komishanka Maamul Wanaagga iyo La-dagaalanka Musuqmaasuqa ayaa ku Howlan Daraasaad ay ugu kuurgalayaan tayada shaqada iyo adeegyada ay hayaan heyadaha dawliga ahi iyo sidii loogu sameyn lahaa sixitaan.

Hargeysa (maantaSomaliland.com) – Komishanka Maamul Wanaagga iyo La-dagaalanka Musuqmaasuqa ayaa ku Howlan Daraasaad ay ugu kuurgalayaan tayada shaqada iyo adeegyada ay hayaan heyadaha dawliga ahi iyo sidii loogu sameyn lahaa sixitaan.

“Maamul wanaaggu waa in uu ka dhex jiraa hay’ad kasta si ay shaqada ummadda loo qabanayaa u noqoto mid cad oo sida ugu habboon u fusha”. Sidaasi waxa yidhi Guddoomiyaha Komishanka La-dagaalanka Musuqmaasuqa iyo maamul wanaagga mar uu u warramayey Wargeyska todobaadlaha ah ee The Horn Tribune.

Guddoomiyuhu waxa uu dhaliilay Dawladaha Hoose ee dalka oo uu sheegay inuu rogaadiyay musuqmaasuq, waxaanu ballanqaaday in ay xaqiijin doonaan in aanay muwaadiniintu aanay dib ugu dhibaatoon doonin maamul xumada ka jirta Dawladaha Hoose. Guddoomiyuhu waxa kale oo uu u mahadnaqey Jaamacadaha Hargeysa, Admas, Lucy io Inernational horn oo gacan ka siiyey Komishanka la dagaalanka (GGAC) daraasad ay dhawaan sameeyeen.

Waxa uu si gaar ah ugu mahadnaqay 69 arday oo ka tirsan jaamacadahaasi oo si mutadawacnimo ah uga qayb qaatay daraasadaasi Komishanku fuliyey oo ku saabsanayd soo ururinta xogaha Booliiska. Sida oo kale, Agaasimaha maamul wanaagga Maxamed Foosi,ayaa isna ka hadlay hawlaha ilaa hadda ay qabteen Komishanka oo jiray muddo toddoba bilood ah.

Waxa uu sheegay in ay waqtigan ku hawlan yihiin oo ay u kuur-galayaan sida ay u shaqeeyaan hay’adaha dawligaha ah, qaab dhismeedkooda iyo siyaabaha ay u shaqeeyaan, ayna ku ogaadeen waxyaabo badan oo u baahan sixid iyo toosin. Waxa kale oo uu sheegay in ay ku sameeyeen hubin howlaha ay fuliyeen hay’adda dawligaha ah, muddadii ay jirtay xukuumadda cusub. Waxa kale oo uu carabka ku dhuftay inay u soo baxday in adeegyada ay qabtaan hay’adaha dawladda qarkood yihiin qaar tayadoodu liidato, kuwaasi oo uu ka xusay maxkamadaha, booliiska, xeer ilaalint guud iyo dawladaha hoose.
Komishanka maamul wanaaggu , isaga oo ka duulaya sidii loo hagaajin lahaa adeegyada afartaasi waaxood qabtaan, waxa uu ka bilaabay daraasad ciidamada booliiska oo kulan ay la yeesheen toddobaadka hore saraakiisha sare ee booliiska si ay gacan uga geystaan hawlaha daraasadeed ee lagu sameeynayay saldhigyada booliiska.

Daraasaddan waxa laga fuliyey toban saldhig booliis oo Hargeysa ah iyo waaxaha CID iyo ciidanka nabadgelyada waddooyinka. Hay’adaha kale ee ku xigi doona ee ay Komishanku diiradda saari doonaan waxa ay bilaabayaan bisha July, Maxkamadaha iyo Xeer Ilaalinta Guud. Hase yeeshee, sida uu sheegay Agaasimuhu Mr. Maxamed Foosi, waxa howsha ugu culus lagu eegi doonaa
xuseen xarbi
hargaysa

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com