Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Murashaxa Madaxweynaha WADDANI Oo Kulan Hadhimo Sharafeed U Sameeyey Xubnaha Golaha Dhaxe Ee Xisbiga Ugu Jira Beesha Degta Bariga Burco

 

111Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa kulan hadhimo sharafeed ah magaalada Hargeysa kula qaatay xubnaha Golaha Dhaxe ee beesha degta bariga Burco, ugu jirta Xisbiga WADDANI.

Xubnaha Golaha dhexe, ee kulankaas soo camiray ayaa ugu horreyn waxay Murashaxa Xisbiga WADDANI ku hanbalyeeyen  qabsoomidii shirkii Golaha dhexe  iyo doorashadii murashaxiinta uu kamidka yahay, sidoo kale waxay uga mahad celiyeen talaabada geesinimada leh ee uu ku ballaadhiyay talladii Xisbiga WADDANI.

Iyagoo tusaale u soo qaatay Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaji Xasan iyo Guddoomiyaha ku-meelgaadhka ah ee Xisbiga Xildhibaan Cabdiqaadir Xaji Ismaciil Jirde, oo ay ku tilmaameen laba shakhsi oo miisan weyn ku soo kordhiyay Xisbiga WADDANI.Xildhibaan Ibraahim Rayte oo isna kulankaas ka hadlay ayaa siweyn u sharxay mabaadiida ay qaateen Xubnaha Golaha dhexe ee beelaha Habarjeclo ugu jira Xisbiga WADDANI, wuxuuna ku tilmaamay inay yihiin cuquushii beesha oo ururtay.

Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Mud. Xirsi Cali Xaji Xasan oo ugu danbayntii ka hadlay madasha kuna soo dhaweeyay Guddoomiye Cirro ayaa sheegay in illahay wax loogu mahadnaqo ay tahay in maanta kala qoqobkii la dhex dhigay bulshada Somaliland uu dumay, ayna muhiimtahay in dhammaan ummadda Somaliland iyagoo aan kala qolo qolo ahayn inay is kaashadaan.Murshaxa Xisbiga WADDANI Mud. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo soo xidhay munasibadaas oo isugu jirtay hadhimo sharafeed iyo maamus uu u sameeyay xubnaha Golaha dhexe ee beelaha Habarjeclo, wuxuu u mahadnaqay sida milgaha iyo dhaqanka suuban weheliyo ee ay u soo bandhigeen mawqifkooda iyo rabitaanka horumarka ay dalkooda la jecelyihiin, wuxuu u ballanqaaday Murashax Cabdiraxmaan Cirro, in aan tallada Xisbiga WADDANI la kala lahayn, sida uu dhulka u dhigay talladii Xisbigana ay ka turjumayso rabitaankiisa, sidoo kale wuxuu ku dheeraday waxyaabaha uu dalka ka hirgalin doono haddii Xisbiga WADDANI guulaysto, oo ay ugu horeyso in bulshadu si xora oo isku mid ah xuquuq siman u helaan.Kulankaas oo markii khudbaduhu dhammaadeen loo dareeray qaybtii hadhimo sharafta wuxuu ku soo afmeermay ballan iyo axdi midno oo lagu kala anbabaxay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com