Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Badhasaabka Gobolka Awdal Maxamed Daahir Cabdalle, ayaa maanta waxba kama jiraan ku tilmaamay war sheegayay in 80 nin oo argagixiso ah lagu xidhay saldhiga dhexe ee Magaalada Boorame, sida uu faafiyay wargeyska Waaheen ee ka soo baxa magaalada Hargeysa.

Boorame (maantaSomaliland.com)- Badhasaabka Gobolka Awdal Maxamed Daahir Cabdalle, ayaa maanta waxba kama jiraan ku tilmaamay war sheegayay in 80 nin oo argagixiso ah lagu xidhay saldhiga dhexe ee Magaalada Boorame, sida uu faafiyay wargeyska Waaheen ee ka soo baxa magaalada Hargeysa.

Badhasaabka Awdal waxa uu warkaasi ku tilmaamay mid been abuur ah oo lagu sumcad dilayo gobolkaasi waxaanu yidhi “Waxaan maanta ka jawaabayaa war Khamiistii ku soo baxay wargeyska Waaheen oo sheegayay inay 80 nin oo Al-shabaab ah lagu xidhay saldhiga dhexe ee Boorame. Warkaasi oo been abuur ahaa waxa looga fadhiyaa inay caddeeyaan wargeyska Waaheen oo noo sheegay inay ka soo xigteen website.”

Sidoo kale, Wakiilka Wargeyska Waaheen ee gobolka Awdal Cali Ismaaciil Aare, ayaa sheegay inaanu isagu warkaasi ka dirin gobolka Awdal waxaanu tilmaamay in wargeysku meel kale ka soo xigtay.

“Website ayaa laga soo xigtay warkaasi hase yeeshee ma aha war aan anigu ka diray magaalada Boorame wax shaqo ahna kuma lihi,”ayuu intaasi raaciyay wakiilka Wargeyskaasi.

Dadweynaha magaalada Boorame ayaa si weyn uga cadhooday warkaasi waxaana aad looga hadal hayay magaalada oo dhan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com