Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Xulka Gobolka Saaxil Oo 4 iyo Eber Kaga Badiyay Xulka Gobolka Xaysimo

Xulka gobolka Saaxil ayaa 4 gool iyo Eber ku garaacday xulka gobolka Xaysimo oo ay maanta wada yeesheen ciyaartii furitaanka wareega labaad ciyaaraha goboladda Somaliland oo isla maanta gelinkii danbe ka bilawday Hargeisa Stadium.

ciyaaro1

Waxaana galabta lagu furay labada gobol ee Saaxil iyo Xaysimo oo soo bandhigay ciyaar ciyaar dhaaftay oo aad u heersaraysa kana muuqatay waayo aragnimo iyo degenaan ay muujiyeen ciyaar yahanadii ku sugnaa garoonku.

qew

Waxaana ciyaarta qaybtii hore lagu kala nastay 3:0 ay ku hoggaaminaysay saaxil halka xaysimona aanay waxba keensan, waxa iyana xusid mudan in ciyaar yahanka numberka shanaad ama daafaca uga ciyaara gobolka saaxil uu qaatay kaadhka cas dibedana looga saaray ciyaarta, balse aanay u dhitin xulka gobolkiisa saaxil ciyaarta oo 1:0 ahna ay ka dhigeen 3:0.

xays

Markii lagu soo noqday qaybtii labaadna waxa ciyaarta halkeeda ka sii watay gobolka Saaxil oo gool afraad-na u raaciyey ciyaar yahanadii ku ciyaarayey magaca gobolka Xaysimo.

saxil

Sidaasi-na waxaa ku soo dhamaatay guud ahaan ciyaartii lagu furay wareega labaad ee ciyaaraha gobolada Dalka Somaliland.

Dhinaca kale maalinta beri ah ayaa waxaa wada ciyaari doonna xulalka goboladda Awdal iyo Sanaag.

Xulalka Gobolada ku tartami doona wareegan labaad ayaa kala ah sidan:

1. Gobolka Sool
2. Gobolka Saaxil
3. Gobolka Xaysimo
4. Gobolka Sanaag
5. Gobolka Awdal
6. Gobolka Hawd
7. Gobolka Daadmadheedh
8. Gobolka Gabiley.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com