Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Dr. Gaboose oo u Riyaaqay Soo dhaweyn uu kala Kulmay Magaalada Ceerigaabo

Hargeysa(maantSomaliland.com) Wefti uu Hogaaminayay Gudoomiyaha urur siyaasadeedka UMMADDA Dr. Maxmed Cabdi Gaboose iyo masuuliyiin sar sare ee ururku ayaa dhawaan si weyn loogu soo dhaweeyey Magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag.

Boqolaal qof oo ka mid ah taageereyaasha ururka UMMADDA ayaa duleedka magaalada Ceerigaabo kaga hor yimid weftigan waxaana soo dhawayntiisa ka qeyb galay fardo badan.

Guddoomiyaha waxa markii uu magaalada soo gaadhay loo dhigay rooga cas oo lagu muuneeyay waxaana koox haween ah oo ku labisnaa hidaha iyo dhaqanku ay qoorta u galiyeen ubax.

ku dhawaaqayey, halku dhegyo ay ku muujinayaan taageerada ay u hayaan urur siyaasadeedka Ummada, taasoo madasha soo dhoweynta ee duleedka magaalada ceerigaabona ka dhigtay mid lagu indha daraandaro,

Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, oo dusha uga baxay baabuurkii uu saarnaa ayaa hadal kooban oo uu u jeediyay Boqolaalkii qof ee soo dhaweeyay uga mahad celiyay siday ugu qaabileen dareenka iyo taageerada ay u muujiyeen ururkiisa.

Guddoomiyaha iyo weftigiisu waxay xadhiga ka jareen xafiiska gobolka Sanaag ee ururka UMMADDA, waxaanu halkaasi ka jeediyay khudbad uu Taageereyaasha ururkiisa u jeediyay waxaanu sheegay inay wax weyn u qaban doonaan bulshada gobolka Sanaag.

Dr. Gaboose waxa uu sheegay inuu dareensan yahay xaalada gobolka Sanaag oo baahiyo kala duwani ka jirto.

Waxa kale oo isaguna taageereyaashii soo dhaweeyay u mahad celiyay
gudoomiye ku xigeenka labaad ururkaasi Cabdirashiid Maxamed Cali.
x xarbi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com