Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Madaxweyne Siilaanyo Oo Sabtida Beri Khudbad U Jeedin Doona Labada Gole Ee Baarlamaanka Somaliland Xilli Ay Xaalada Amniga Dalka Khatar Ku Jirto.

Jan. 13, 2012- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo”, ayaa maalinta beri ah ee Sabtida khudbad u jeedin doona labada aqalka ee baarlamaanka ee Guurtida iyo Wakiilada.

Madaxweynuhu waxa uu hadalka ku soo qaadi doonaa xaalada siyaasada iyo amniga wadanka , waxaana uu si gaar ah diirada u saari doonaa shirka ka socda degmada Taleex oo toddobaadkan lagaga dhawaaqay maamul goboleed hoos tagaya xukuumada federal-ka Soomaaliya ee fadhigeedu yahay Magaalada Muqdisho, iyada oo sida la sheegay uu Madaxweynuhu waydiisan doona baarlamaanka in la meel mariyo tallaabo laga qaado kooxaha ka soo horjeeda Somaliland. Waxaana uu caddeyn doonaa oo kale mawqif maamulkiisa ee la xidhiidha maamul goboleedyada dalka iyo dibediisaba laga dhawaaqayo oo wiiqay qadiyada aqoonsi doonaka Somaliland, iyada oo qolayaha mucaaradka ahina ay xukuumada hore ugu eedeeyeen in ay ku lug leedahay qorshayaal lagu majaxaabinayo jiritaanka Somaliland oo wakhtigan banaanka u soo baxay.

Dhinac kale, Mudanayaasha labada gole ayaa isu diyaarinaya in ay Madaxweyne Siilaanyo su’aalo ka waydiiyaan mushkilada soo kordhay ee ay dawladiisu indhaha ka qarsatay, iyaga oo u qadimi doono walaaca shacabku ka qabo nidaamka dawlada hadda jirta , waxaana la filayaa in ay labada dhinac dhexmarto dood adagi, laakiin waxa aan la ogayn nooca jawaabaha uu Madaxweynuhu ka bixi doono su’aalaha mudanayaasha.

Hadalka Madaxweynaha ayaa ku soo beegmaya xilli uu gacanta dawlada ka baxay dhul ballaadhan oo ay ka taliyaan kooxo Somaliland-diid ah oo u ololayna midowga dhulweynaha Soomaaliya, iyada oo sida oo kale ay go’adoon gashay siyaasada arrimaha dibedu, ka dib markii ay wadamada deriska ah ee Djibouti iyo ETHIOPIA hoos u dhigeen cilaaqaadka ay la leeyihiin Somaliland.

xuseen xarbi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com