Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Gudiga anshaxa ee tartanka ciyaaraha kubbadda cagta ee Somaliland ayaa soo bandhigay khaladaadkii ay galeen ciyaartooyga ka qayb qaadanaya tartankaasi oo ka socda garoonka kubbadda cagta ee Hargeisa Stadium.

Gudiga anshaxa ee tartanka ciyaaraha kubbadda cagta ee Somaliland ayaa soo bandhigay khaladaadkii ay galeen ciyaartooyga ka qayb qaadanaya tartankaasi oo ka socda garoonka kubbadda cagta ee Hargeisa Stadium.

x

Gudiga u xil-saaran anshaxa tartanka ciyaaraha goboladda oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Hargaysa waxay faah-faahin ka bixyeen habsami u socodka ciyaaraha iyo wixii khaladaad ee dhacay intii ay ciyaaruhu socdeen.

Waxaanay shaaciyeen goboladda ku xad-gudbay qodobadda anshaxa tartanka ciyaaraha iyo sidoo kale tiradda goolasha ee ilaa hadda ay leeyihiin ciyaartooygu.

Samatar Maxamed C/laahi, xog hayaha xidhiidhka ciyaaraha kubbadda cagta ee wasaaradda ciyaaraha Somaliland ayaa oo shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa sharaxaad ka bixiyay in jeer ee ay xulalka goboladda kala metelayaa ciyaareen iyo sida ay ciyaaruhu u dhaceen.

smt

Isagoo arrimahaasi ka hadlayay-na waxa uu yidhi “8-da gobol ee ku tartamaya tartanka ciyaaraha ee koobka goboladda, gobol waliba waxa uu ciyaaray min hal ciyaar, maantana waxaa bilaabmaya gobol walba kulankiisii labaad. Guud ahaan waxaa la ciyaaray afar maalmood, maantana waa maalintii shanaad.

Waxaanay ciyaaruhu u kala dhaceen sidan:

Ugu horayn group A, ciyaartii furitaanka waxaa wada ciyaaray goboladda Xaysimo iyo Saaxil. Waxaana afar gool iyo Eber ku badiyay gobolka Saaxil.

Maalintii labaad waxaa wada ciyaaray goboladda Awdal iyo Sanaa goo ku jira group A, waxaana laba gool iyo eber ku badiyay gobolka Awdal.

Maalintii saddexaad waxaa wada ciyaaray group B, oo kala ahaa goboladda Hawd iyo Sool. Waxaana laba gool iyo eber u badiyay gobolka Hawd.

Maalintii afraad waxaa wada ciyaaray goboladda Gabiley iyo Daad-madheedh, oo ku wada jiray group B, waxaana laba gool iyo hal ku badiyay gobolka Gabiley.

Waxaanu ahaa kulanka keliya ee ay labadda xul-ba goolal iska dhaliyeen, dhamaanba ciyaarihii hore dhinac ayuunbaa goolasha dhalinayay”.

Geesta kale Samatar Maxamed C/laahi, waxa uu ka warbixiyay guud ahaan tiradda goolasha la kala dhaliyay intii uu tartanka ciyaaraha goboladu socday, iyo sidoo kale tiradda ciyaartooyga kaadhka casaanka la siiyay ee garoonka laga saaray.

Waxaanu yidhi “Afartii kulan ee la ciyaaray guud ahaan tiradda goolasha dhashay, waxay yihiin 11-gool. Ciyaartooyga kaadhadha casaanka qaatay ama garoonka dibadda looga saaray, waa laba qof oo kala ah ciyaartooy ka tirsan xulka gobolka Saaxil, oo sitay lanbarka 5, kana ciyaarayay khadka dhexe ee difaaca, oo kaadhka cas la siiyay, isla markaana garoonka laga saaray.

Sidoo kale tababare ku xigeenka xulka gobolka Hawd Mr. Kayd, oo is-na gar-soorka ciyaaruhu uu siiyay kaadhka cas, garoonkana dibadda looga saaray”.

Xog hayaha xidhiidhka ciyaaraha kubbadda cagta ee wasaaradda ciyaaraha waxa kale oo uu ka hadlay ciyaar yahanadda ilaa hada ugu gool dhalinta badan. “Dhinaca gool dhalinta waxaa ku loolamaya, oo min saddex gool leh, saddex ciyaar yahan oo min laba gool leh”ayuu yidhi Samatar Maxamed C/laahi.

Dhinaca kale guddoomiyaha xidhiidhka kubbadda cagta Somaliland Maxamed Aamiin Cabdi Cilmi, ayaa halkaasi kaga dhawaaqay qodobo digniin ah oo uu sheegay in ay u dirayaan xulalka tartanka ka qayb qaadanaya.

am

Waxaanu sheegay in xulalka saddexda gobol ee Hawd, Xaysimo iyo Awdal ay jebiyeen qodobo ka mid ah anshaxa loo dejiyay tartanka ciyaaraha.

Waxaanu yidhi “Gudiga anshaxa ciyaaraha kubadda cagtu, waxay digniin kama danbays ah ka soo saartay, goboladda Xaysimo, Awdal, iyo gobolka Hawd. Kuwaasi oo mid waliba uu jebiyay qodob ka hor imanaya anshaxa ciyaaraha.

Halka gobolka Saaxil ay ku soo baxday ganaax lacageed iyo digniin kama danbays ah, iyadoo ay ku mutaysteen saddex qodob oo anshaxa ah oo ay jebiyeen”.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com