Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Madaxbanaanida Saxaafadda Qalad Baa Laga Fahmay

Madaxbanaanida Saxaafadda Qalad Baa Laga Fahmay
January 18, 2012
Waxaan ahay marka u horaysa shakhsi si weynna u taageersan xoryadda hadalka iyo xaqa saxafiga tababaran ee ixtiraamaya micnaha ay leedahay saxaafaddu. Waxaa baryahan caado noqotay in si xun loo isticmaalo mihnaddii saxaafadeed oo qof kasta oo af Somali qori karaaba isku sheegay saaxafi xadkii saxaafadi lahaydna noqday saxaafaday magacaa ba’
Saxaafaddu waa maaddad la barto oo leh waajibaad, asluub iyo anshax la raaco oo khasab ah. Saxaafaddu waxay leedahay nidaam iyo xuduud aanu saxafigu ka bixi karin kuna xad gudbi karin cidda ama nawduuca uu wax ka qorayo isla mar ahaantaasna qofka saxafiga ahna aan lagu xad gudbi Karin. Anshaxa iyo asluubta saxaafadeed waxaa ka reebban xeer ahaaan af lagaadada qaawan ee baryahan dambe ka badatay websiteyada reer Somaliland ama Joornaalada dalka ka soo baxa ee si xishmad la’aan ah ugu aflagaadooda qof mas’uul ah amaba mararka qaar beel ama gobol. Anshaxa iyo asluubta saxaafadeed xeer ahaan waxaa ka reebban mala awaalka iyo wararka aan jirin ama aaan la hubin ee la tabiyo. Anshaxa iyo asluubta saxaafadeed waxaa ka reeban in xogta (sirta) qaranka,ama wax kasta oo nabadgalyada dalka waxyeello gaadhsiin kara in laga baahiyo war baahinta. Anshaxa iyo asluubta saxaafadeed waxaa ka reebban in loo adeegsado shakhsi ku xumee,beel ku xumee amaba hub ahaan loo isticmaalo mihnaddii saxaafadeed. Anshaxa iyo asluubta saxaafadeed waxaa ka reebban in mujtamaca la majara habaabiyo oo ra’yi ama faallo qof sheeganaya saxafi uu qoray inuu shacabka uga dhigo ama ugu turjumo war jira oo ah xaalad taagan.

Saxaaddada xorta ah hadaba macnaheedu ma aha aan ku caayo, aan been kaa soo qoro sidaan u doono, aan dar jiidho, aan xogta dalka cadowga u soo bandhigo, saxaafadda xorta waxay tahay in lagu dhaqmo xuduudda ay saxaafaddu leedahay ee mihnad ahaan waajibtay in la raaco. Saaxaafadda waxaa saran mid ka culus mas’uuliyadda saran xukuumadda dalka ka talisa oo ah in umadda ay u soo bandhigaan war sugan oo ku salaysan run iyo xaqiiq sumadna leh oo la hayo raadkeedii iyo halkii laga soo helay warkaas, balse aan ahayn ku tidhi ku teen iyo saxaafaddu waa xoreh qor waxaad rabto oo car yaan qalinku ku ciilin Ilayn saxaafaddu waa xore.

Saxaafaddu waxay hiil iyo hooba ka helayaan shacabka ay warka u baahiyaan marka ay xukuumaddu ku tacadido iyaga aan ka leexan xuduuddii anshaxa saxaafadeed ee waajibku ka saarna. Hadal iyo gunaanad waxaan saxaafadda kula dardaarmayaa inay dhawraan anshaxa iyo asluubta saxaafadeed ogaadaanna inay mas’uuliyadd i ka saarantahay umadda inay war xaqiiq ah u soo bandhigaan

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com