Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Taliyaha Ciidanka Qaranka S/Land Oo Ku Sugan Buuhoodle Oo Ka War Bixiyay Dagaalki shalay xalyto

Taliyaha Ciidanka Qaranka S/Land Oo Ku Sugan Buuhoodle Oo Ka War Bixiyay Dagaalki shalay xalyto

Buuhoodle-(maantSomaliland.)-Taliyaha ciidanka qaranka Somaliland Gen.Maxamed Xasan C/laahi (Jidhif) oo ku sugan magaalada Buuhoodle ayaa caawa ka waramay dhirbaaxo kulul oo ay ciidanka qaranku saaka ku dhuftaan maleeshiyo uu soo diray Cali Khaliif Galayr iyo kooxo ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugan Magaalada Buuhoodle.

Taliyaha Ciidanka Qaranku waxuu sheegay in kooxda Al-shabaab iyo Maleeshiyo beeleedka oo is garab sanayay ay dhirbaaxo kulul ku dhufteen ka dib markii ciidanka qaranku ay saaka galeen magaalada Buuhoodle.

Taliyuhu waxuu intaasi ku daray in firxadkii kooxahaasi ay galeen deegaamada Dharkayn-geeyo iyo Xamar lagu xidh.

“Anigu been sheegi maayo ee ciidanka qaranka wax khasaare soo gaadhay lix Askari oo ku dhaawacmay markii maanta ay magaalada dhex marayeen oo laga soo toogtay guryo ku yaalay magaalada, waxa kale oo aan idiin xaqiijinayaa in kooxahaasi aanu ka gubnay saddex Taangi isla markaana aanu ka qabanay baabuur Tikniko ah”, ayuu yidhi Taliyaha Ciidanka Qaranka oo caawa u waramayay Cidaacada Radio Hargeysa.

Taliyuhu waxuu sheegay in ciidamada Qaranku ay xiligan degan yihiin Xeryihii ciidamadii Siyaad Bare ee ku yaala magaalada Buuhoodle.

Maxamed Xasan JIdhif waxuu shacbiga deegaanka Buuhoodle ugu baaqay in aanay fidmo iyo dab galinin kooxo uu ku tilmaamay fidmo wadayaasha ku fadhiya degmada Taleex.

Waxaanuu intaasi ku daray in xukuumada Somaliland ay soo dhawaynayso inay gogol nabadeed u fidiso waxgaradka beelaha Sool iyo Buuhoodle si ay u dhagaysato waxii tabasho ah ee ay ka tirsanayaan maamulka Somaliland.
xuseen xarbi
hargaysa

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com