Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Dawlada Ku Meel-gaadhka Ah Ee Sheekh Shariif Oo Dagaalkii Buuhoodle Ka Soo Saartay War-saxaafadeed Ay Dhinaca Ku Saarayso Maleeshiyaadka Nabad-diidka Ah Ee Laga Saaray Buuhoodle.

Dawlada Ku Meel-gaadhka Ah Ee Sheekh Shariif Oo Dagaalkii Buuhoodle Ka Soo Saartay War-saxaafadeed Ay Dhinaca Ku Saarayso Maleeshiyaadka Nabad-diidka Ah Ee Laga Saaray Buuhoodle.
Muqdisho (maanta) Jan 16,2012 – Dawlada ku meel-gaadhka ah ee Soomaliya ayaa ka hadashay dagaalkii ciidamada qaranka Somaliland kula wareegeen gacan ku haynta Magaaladda Buuhoodle oo ay hore uga talinayeen Maleeshiyaad Taabacsan Maamul Goboleedka lagaga dhawaaqay degmada Taleex ee gobolka Sool.

Guddi lagu magacaabo (Guddida Qaran ee dawlada ku meel-gaadhka ah ee Soomaliya) ayaa shir ay ka yeesheen dagaalkii shalay ka dhacay Buuhoodle ka soo saaray war-saxaafadeed, kaasi oo maseeyay dawlada Somaliland iyo beelaha ay ka soo jeedaan Maleeshiyaadka nabad-diidka ah ee Buuhoodle lagala wareegay, waxayna ku baaqeen in wixii khilaaf ah ee jira wada hadal lagu dhameeyo, iyagga oo sidoo kalena sheegay in ciidamada qaranka ee Buuhoodle qabsaday iyo Maleeshiyaadka laga qabsaday yihiin dad isku deegaan ah xidhiidh walaaltimo ka dhaxeeyo.

War-saxaafadeedkan oo sidoo kale Tacsi loogu diray ehalada Maleeshiyaadka dagaalkaasi ku hoobatay ayaa u dhignaa sidan “1. Wuxuu walaac ka muujiyey dagaaladii maanta ka dhacay degmada Buuhoodle ee gobolka Sool, halkaas oo ay ka dhaceen dhibaatooyin isugu jira dhimasho iyo dhawaac.

2. Wuxuu u tacsiyeynayaa eheladii ay ka baxeen dadka geeriyooday asagoo dhinaca kalana u rajeynaya dhaawaca in illaahay ka kiciyo dhibaatada gaartay.

3. Wuxuu baaq nabadeed u soo jeedinayaa dadka dega deegaanka kuwaas oo wadaaga xidhiidh iyo dhaqan soo jireen ah.

4. Xidhiidhkaas wuxuu u baahan-yahay in lagu ilaaliyo nabad lagana fogeeyo Xumaanta & dagaalada waxaana hubnaa in ayna cidna dan ugu jirin gacan ka hadal iyo fidno ka dhex abuuranta bulshada walaalaha ee deegaanka, sidaas awgeed, wuxuu Guddigu ku baaqayaa in si deg-deg ah oo aan wax sharuud ah lahayn loo joojiyo gacan ka hadalka iyo shidada, laguna xaliyo wax kasta oo khilaafaad ah wada-hadal laguna gaadho is afgarad Walaaltinimo

Ugu danbeyntii Dawladda KMG ah ee Federaalka waxa ay diyaar u tahay in ay gacan ka geysato wax kasta oo lagu celinayo nabada iyo Walaaltinimada soo jireenka ah ee bulshada deegaanka.”

hussein harbi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com