Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Mudaharaad balaadhan oo lagu taageerayay xukuumadda oo ka dhacay Berbera

Mudaharaad balaadhan oo lagu taageerayay xukuumadda oo ka dhacay Berbera

Berbera (maantaSomaliland.)- banaan bax balaadhan ayaa maanta ka dhacay magaalada Berbera, kaasi oo lagu taageerayay Ciidamada qaranka iyo khudbadii Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu 14-kii bishan ka jeediyay fadhi wada jir ah oo ay yeesheen labada aqal ee Wakiilada iyo Guurtida, khudbadaasi oo uu kaga waramay xaalada guud ee dalka.

Sida uu shabakada wararka ee Somaliland.Org u xaqiiyay Weriye Yaasiin Jaamac Cali, waxa banaan baxaasi balaadhan ka qey galay qeybaha kala duwan ee bulshada kuwaasi oo ku dhawaaqayay hal ku dhigyo ay ku ayidayeen khudbadii Madaxweynaha oo ay ku tilmaameen mid uu si mugleh uga hadlay xaalada guud ee dalka.

waxa kale oo ay ku dhawaaqayeen halku dhigyo ay ku taageereen ciidanka qaranka oo ay ku bogaadiyeen dhirbaaxadii ay shalay ku dhufteen kooxo nabad diid ah oo ay ka saareen Buuhoodle.

Sidoo kale intii uu socday banaan baxani waxa albaabada loo xidhay goobaha ganacsiga magaalada Berbera.

Banaan baxeyaashaasi waxay socod ay ku soo mareen jidadka magaalada Berbera ka dib waxay tageen Fagaaraha 26-ka June, halkaasi oo ay kala hadleen maamulka gobolka Saaxil.

Badhasaabka Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) ayaa hadal uu u jeediyay dadweynaha magaalada Berbera ku bogaadiyay siday dareenkooda u muujiyeen una taageereen khudbadii madaxweynaha Somaliland ka jeediyay labada aqal ee baarlamaanka.

Badhasaabku waxa uu sheegay inay xukuumadda Somaliland dedaal ugu jirto sidii ay wax uga qaban lahayd horumarinta dalka isla markaana u sugi lahayd xuduudaha dalka.

“Waxay dadweynaha reer Berbera banaan baxan ugu soo baxeen taageerada ciidanka qaranka iyo taageerada ay waxqabadkii sanadkii la soo dhaafay u hirgalay xukuumadda ee Madaxweynaha Somaliland ka jeediyay Goleyaasha baarlamaanka,”ayuu yidhi Badhasaabku.
Maxamuud Cali Saleebaan wuxuu cambaareeyay shirka Taleex oo uu xusay inay wadaan siyaasiyiin Somali-weyn oo doonaya inay dagaal ka huriyaan goboladii ay ka soo jeedeen.

Sidoo kale waxa banaan baxaasi ka hadlay qaar ka mid ah Salaadiinta gobolka Saaxil kuwaasi oo sheegay inay taageersan yihiin xukuumadooda isla markaana naqdiyay shirka Taleex.

xuseen xarbi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com