Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiirka Daakhiliga oo kulan la yeeshay Suxufiyiintii Saldhiga Hargeysa laga soo daa

Wasiirka Daakhiliga oo kulan la yeeshay Suxufiyiintii Saldhiga Hargeysa laga soo daa

Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa ku guulaystay sii daynta 20 Suxufi oo shalay ciidanka Boolisku xidheen markii ay dhigeen mudaharaad aan fasax loo qaadan oo ay kaga soo horjeedeen tallaabadii xukuumaddu ku xidhay Telefishanka madaxa banaan ee Horn Cable.

Warku wuxuu intaasi ku darayaa inaan wali la sii dayn Axmed Axmed C/Raxmaan Xirsi Heelo oo isaga lagu eedeeyay inuu sitay baastoolad.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Caraalle (Duur) iyo Afhayeenka madaxtooyada Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa maanta kulan qado-sharaf ugu sameeyay Huteelka Xaraf ee magaalada Hargeysa Suxufiyiintii laga soo daayay saldhiga dhexe ee Booliska oo ay 24 saacadood ku xidhnaayeen.

Suxufiyiintani waxay labadaasi masuul uga xog warameen cabashooyin ay ka tirsanayaan xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo waxaana ka mid ahaa in lagu dhaqmo xeerkii saxaafada ee dhaqan galka ahaa iyo in xukuumaddu ay ka noqoto talaabadii ay xeer ilaalinta guud ku joojisay diiwaan gelinta Wargeysyada iyo TV-yada cusub.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Afhayeenka madaxtooyadda oo kulankaasi ka hadlay ayaa balan qaaday inay ka shaqeynayaan sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dawladooda iyo Saxaafadda.
Waxa kale oo ay balan qaadeen inay wax ka qaban doonaan tabashooyinka Saxaafadda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com