Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Colaad Laga Cabsi Qabo Inay Mar Kale Ka Dhacdo Deegaanka Dharkayn Geenyo Ee Gobolka Sool

Wararka naga soo gaadhaya magaalada laascaanood ee xarunta gobolka sool soona gaadhaya xafiiska shabakada wararka Ramaasnews ayaa sheegaya in laga cabsi qabo in mar kale ay deegaanka Dharkayn geenyo ee gobolka sool ay ka dhacdo colaad sokeeye.

Waxaana deegaanka Dharkayn-geenyo hore  uga dhacday shaqaaqo sababtay dhimasho iyo dhaawac,balse ciidanka qaranka Somaliland,cuqaal,salaadiin,waxgarad iyo xukuumadda oo is kaashanayaa ay damiyeen shaqaaqadaasi.

Waxaa wararka nasoo gaadhayaa ay intaa ku darayaan in deegaanka Dharkayn-geenyo ay badiba kasoo qaxeen dadki deegaankaasi ku noolaa iyaga oo gudaha usoo galay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka sool,sidoo kalena waxa naloo sheegay in xukuumaddu ay ciidan u dirtay deegaanka si loo sugo amaanka deegaanka Dharkayn-geenyo.

Waxaana xusid mudan in labadan beelood ee shaqaaqadu ay dhex martay ay dhawr habeen ka hor ay diriri ku dhex martay gudaha magaalada Laascaanood,iyaga oo isku ridayay rasaas,dhawaaqa rasaastana ilaa habeenkii laga maqlayay gudaha magaalada taasina ay sababtay dhaawaca hal qof.

Amaanka deegaanka Dharkayn-geenyo ayaa hadda ah mid iska caadiya oo aanay waxba ka dhicin.

Mar aanu isku daynay inaan xidhiidh la samayno badhasaab ku xigeenka gobolka sool si aanu wax uga waydiino arrimaha shaqaaqada labadan beelood u dhaxaysa ayaanay noo suurto galin telefoonkiisa gacanta oo uu naga qaban waayay awgeed.

xigasho ramaasnews

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com