Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Urur Siyaasadeedka Daljir Oo Caawa Ku Biiray WADANI Iyo Nuxurka Khudbad Uu Guddoomiye Cirro Jeediyay Munaasibada Labada Urur

Hargeysa(maantasomaliland.com) Jan 18,2012 – Urur siyaasadeedka Daljir oo ka mid ahaa ururada dhawaan lagaga dhawaaqay ayaa caawa si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu ku biiray ururka WADANI, isla markaana muujiyey sida ay diyaarka ugu yihiin inay uga qayb qaataan dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee ururka WADANI.

Xaflad ballaadhan oo caawa lagu qabtay xarunta dhexe ee ururka WADANI ee Magaalada Hargeysa, oo ay ka soo qaybgalaan masuuliyiinya labada urur ee midnimada ku dhawaaqay, taageerayaal tiro badan iyo marti-sharaf kale ayay madaxda labada urur ka sheegeen wakhtigan ay noqdeen urur kaliya oo wadaaga magaca Wadani.

Guddoomiyaha urur siyaasadeedka WADANI ahna guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo ka hadlay munaasibadaas ayaa sheegay in uu si weyn u soo dhaweynayo xubnaha ururka Daljir ee ku soo biiray “Waxaan qabaa waayo-aragninadooda iyo aqoontooda iyo miisaankood in uu wax badan ku soo biirin doono fikir badana ku soo biirin doono ururka WADANI, waxaan u sheegi doonaa in ururka WADANI aynu maanta ka mid yihiin inta ku soo biirtay iyo inta ku jirtayna ay u siman yihiin, Waxaynu diyaar u nahay in aynu ku soo dhawayno cid kasta oo ku soo biirta” ayuu yidhi guddoomiye Cirro.

Mar uu ka hadlay kharta ka iman karta shirarka lagaga dhawaaqayo maamul goboleedyada dalka gudihiisa, waxa uu sheegay in Somaliland tahay Qaran kaliya oo midaysan, isla markaana ay tahay waajib in la ilaaliyo nabada iyo wadajirka dalka “Somaliland waa Qaran loo dhisay dadka Somaliland waxa goob joog ka ahaa odayaasha iyo rag Talleex maanta jooga taasna wax dhidibadda loogu sii aasay shirkii Burco, markaa waxaan leeyahay Somaliland waa qaran qudha, waa shacbi qudha, waxaana inagu waajib ah inaynu nabadgelyaddayna ilaalashano, oo aynu kuwa qoriga dabka leh kula dhex wareegaya aynu iska ilaalino oo taladda xun iyo dhibaatadda ay la damacsan yihiin shacbigooda iyo Qaranka guud ahaanba aynu ka feejigaanano”

Cabdiraxmaan Muumin Habane oo ah guddoomiye ku xigeenka ururka DALJIR oo isna ka hadlay munaasabadii isku biirida labada urur ayaa sheegay in ay go’aanka ku biirida qaateen, ka dib markii ay ku qanceen hogaanka ururka WADANI oo u muuqda mid hogaamin kara dalka “Markaanu aragnay ee aanu qiimaynay, waxa noo cadaatay inaanu ku biirno Ururka WADANI”.ayuu yidhi Cabdiraxmaan Muumin Habane

Mr Habanne waxa uu sheegay in Urur Siyaasadeedka WADANI yahay mid ku sifoobay daacadnimo iyo waxqabad, waxaana uu bulshadda Reer Somaliland u soo jeediyay in la taageero Ururkan.

Ururkan Daljir ayaa noqonaya kii labaad ee ku jiira urur siyaasadeedka WADANI, waxaana hore ula midoobay ururka IFTIIN.
xuseen xarbi
hargaysa
tel
4052413
email
harbi_31@hotmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com