Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

(maantasomaliland.com)Safiir Ku-xigeenka Ingriiska ee Itoobiya oo ka hadlay kulan uu la yeeshay Madaxweyne Siilaanyo iyo safiirka oofaahfaahin ka bixiyay shir ingiriisku ku qananayo london oo ahmiyad baladhan iyo fursadi ugu jirtosomaaliland

(maantasomaliland.com)Safiir Ku-xigeenka Ingriiska ee Itoobiya oo ka hadlay kulan uu la yeeshay Madaxweyne Siilaanyo iyo safiirka oofaahfaahin ka bixiyay shir ingiriisku ku qananayo london oo ahmiyad baladhan iyo fursadi ugu jirtosomaaliland
January 18th, 2012

safiirka oo faah faahin ka bixiyay shir Ingiriisku ku qabanayo London oo fursad weyni ugu jirto Somaliland
Hargeysa (mantasomalilandSomaliland.)- Ku xigeenka Safiirka Ingiriiska u fadhiya dalka Itoobiya Mr. Chris Allan, ayaa ka war bixiyay tafaasiisha shir caalamiya oo lagaga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo dhawaan lagu qabanayo magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Safiir ku xigeenka Ingiriiska oo socdaal maalin qaatay ku yimid Somaliland ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa waxa uu kaga hadlay kulan uu la yeeshay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxaanu yidhi “Waxaan ku faraxsan nahay socdaalkaygan Somaliland, waxaan maanta kulamo la yeeshay madax badan oo Somaliland ah oo aan kala hadlay arrimaha shir London lagu qabanayo oo ku saabsan dhibaatada Soomaaliya, waxaanan faahfaahin ka siiyay ajandaha shirkaasi. Waxa lagaga hadlayaa shirkanShirkan arrimaha saamaynta ku leh gobolka oo dhan ee ay ka mid yihiin Budhcad badeeda iyo argagixisadda.”

“Waxa kale oo lagaga hadlayaa horumarinta, mashaariicda samofalka ee Ingiriisku siiyo Somaliland/Somalia-ba. Waxa kale oo lagaga hadlayaa mawduucyo kale oo la xidhiidha dhaqaalaha. Shirkan waxa sidoo kale lagu soo qaadi doonaa xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya,”ayuu yidhi Safiir Ku xigeenka Ingiriiska u fadhiya Addis-ababa.

Safiir Ku xigeenku wuxuu sheegay in Bortooyada Ingiriisku ay tahay ta ugu badan ee taageerta Somaliland, waxaanu intaasi ku daray in dalalka Britain iyo Somaliland uu ka dhaxeeyo xidhiidh saaxiibtinimo iyo mid taariikheedba.
Safiirku wuxuu sheegay inuu u arko inay Somaliland ka qeyb gasho shirkan isla markaana ka jeediso aragtideeda iyo wixii u qabsoomay.

“Raysal wasaarahayaga iyo Xoghayaga arrimaha dibadduba inaan arrimaha shirkan maanta u sharaxno Madaxweyne Siilaanyo iyo bulshada Somaliland-ba. Waxaanan si shakhsi ah u danaynaynaa in Madaxweynaha Somaliland uu Hoggaamiyo ergada Somaliland ee ka qeyb galaysa shirkan.Raysal wasaarahayaga ayaa si toos ah ugu marti qaadi doona shirkan Madaxweyne Siilaanyo oo dhawaan qoraal u soo qori doona.”

“Xoghayahaga Arrimaha dibaduna waxa laga yaabaa inuu Telefoon u soo diro si uu tafaasiil uga siiyo waxaanu ka rajaynayno inay shirka London ka soo baxaan,”ayuu yidhi Chris Allan, waxaanu intaasi ku daray “Dariiqada ugu wanaagsan ee ay Somaliland ku gaadhi karto himiladeeda waxay tahay inay la kulanto beesha caalamka waxay noqon lahayd Madaxweyne Siilaanyo inuu gudbiyo qadiyadiisa shirkan oo ah mid aad iyo aad u sareeya.

“Waxaanu aaminsan nahay in sida ugu wanaagsan ee Somaliland ku gudbin karto qadiyadeeda ay tahay in Madaxweyne Siilaanyo ka jeediyo shirkaasi arrintaasi,”ayuu yidhi Chris Allan.

Safiir Ku xigeenku wuxuu sheegay in shirkan ay goob joog ka ahaan doonaan ilaa afartan Hoggaamiye kuwaasi oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha Faransiiska, Raysal wasaaraha Itoobiya, Xoghaya Guud ee Qarrammadda Midoobay iyo dalalka qaadhaan bixiyeyaasha, Wasiiro arrimo dibadeedyo iyo masuuliyiin kale.

hussen harbi
hargaysa/maantasomaliland.com
harbi_31@hotmail.com
2522 4052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com