Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Hargeysa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa wafti balaadhan oo isugu jirra Waiiro iyo Xildhibaano, waxa uu u direy Gobaladda Togdheer, Sool, iyo Sanaag

Hargeysa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa wafti balaadhan oo isugu jirra Waiiro iyo Xildhibaano, waxa uu u direy Gobaladda Togdheer, Sool, iyo Sanaag.

Waftigan ayaa la sheegay in ay la kulmi doonaan qaybaha kala duwan ee Goboladaas, iyaga oo sidda la sheegay soo mari doono degmooyinka kalla duwan ee Goboladaasi.

Waftigan ayaa loo xilsaarey inay u kuurgalaan xaaladaha dhinaca amni iyo siyaasadeed ee gobollada loo diray, isla markaana ay bulshada degaamadaas ku booriyaan muhiimada nabadgelyada iyo dawladnimadu leedahay. Sidoo kale, Waftigani ayaa la tilmaamay in ay ka hawlgeli doonaan sidii ay bulshada ku dhaqan magaalooyinka waawayn ugu abaabuli lahaayeen muujinta madaxbanaanida iyo qaranimada Somaliland iyo isku-duubnida dhexdooda.

Waftiga loo direy Gobolka Sool ayaa wax ka mid ah Wasiirka Warfaafinta Somaliland Axmed Cabdi Xaabsadde iyo Wasiirka Ganacsiga iyo Warshedaha Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed, halka Waftiga loo direy Gobolka Sanaag ay kala yihiin Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali (Cadami), Wasiirka Deegaanka iyo Horumarinta Maxamuud Maxamed (Gacamay), iyo Wasiir ku Xigeenka Maaliyadda Warsame Siciid Cabdi.

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xili uu shir ka dhacay Deegaanka Talleex ee Gobolka Sool, kaas oo la doonayay in lagu majara habaabiyo dadka deegaankaas, isla markaana laga dhaadhiciyo in deegaanadaasi ay samaystaan Maamul u gaar ah.

Sidoo kale waxa uu safarkani ku soo beegmaya xili uu uu dagaal ka dhacay deegaanka Buuhoodle., kaas oo u dhaxeeya Ciidamadda Qaranka Somaliland iyo Maleeshiyadda Hubaysan ee Nabad diidka ah ee ka dagaalanta Deegaankaas.

Xukuumadda uu gadh wadeenka ka yahay Axmed Siilaanyo oo ka seexatay tan iyo intii uu socdey shirka Talleex, isla markaana ay dadku is weydiinayayeen waxa ay wax uga qaban la’dahay Shirka lagu diiddan yahay Somaliland ee ka socdda Talleex, ayaan la garanayan wax ay ka tiri doonto waftigan ay u dirtay deegaanadda Sool.

xuseen xarbi
hargaysa

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com