Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Salaadiin Beesha Taleex ku shirtay Ugu Baaqay In Wada Hadal Lagu Dhameeyo Wixii Tabasho

Salaadiin Beesha Taleex ku shirtay Ugu Baaqay In Wada Hadal Lagu Dhameeyo Wixii Tabasho
January 20th, 2012

Hargaysa (maantSmaliland:- Salaadiinta beesha Habar Yoonis, ayaa sheegay in qaranimada Somaliland tahay muqadas, waxaanay ugu baaqeen garaadada beesha shirka ku qabsatay Taleex in wada hadal lagu dhameeyo wixii tabasho iyo turxaan ah.

Salaadiintaasi oo maanta shirjaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, ayaa ku tilmaamay shirkii lagu qabtay Taleex inay soo abaabuleen dad aan lexejeclo ka lahayn dadka degankaasi, iyaga oo xusay baaqii ka soo baxay Taleex in uu keeni karo colaad.

Suldaan Maxamed Xirsi Qani oo ka mid ahaa Salaadiintii shirkaa jaraa’id ka hadlay ayaa ku baaqay in nabad lagu dhameeyo shaqaaqada bariga, isla markaana waxa uu tilmaamay gogashii Somaliland inay ku wada dhawaaqeen Barri iyo Galbeed, waxaanu yidhi “waxaanu ku baaqaynaa nabadgelyo in lagu dhameeyo shaqaaqada bariga, Somaliland-nimadu waa wax umadu wada goosatay bari iyo galbeed, waa wax aynu ku gaadhnay. Wixii tabasho ah waa in laga wada hadlaa, laakiin waxaanu ku baaqaynaa in arrintaasi ku dhamaato arrin nabadgelyo.”
Suldaan Maxamed Xirsi Qani, ayaa ugu naaqay xukuumada Somaliland in sii wado wada hadalkii ay ugu baaqday waxgaradka beeshaasi “Xukuumadana waxa aanu ku adkaynanaa ilaaba waayo mayaana in aan wada hadal gacma ka qaadin garaadada iyo Isnada xagaa jooga waxaanu leenahay nabadgelyada iyo wada hadal ku soo dabaalaan xaalada.” Ayuu yidhi Suldaan Maxamed Xirsi Qani.

Suldaan Yuusuf Maxamed Xiiray oo isna shirkaa jaraa’id ka ayaa ugu baaqay garaadada ka hadlay Taleex in ay qaataan gogashii nabada ee uu fidiyay madaxweynaha Somaliland, isla markaana waxa uu tilmaamay in loo baahan yahay wixii turxaana ee jira in wada hadal lagu dhameeyo, waxaanu yidhi “Haddii aynaan nabad haysan oo ummaddu nabad qaada horta waxna way socdeen waxna inoomay qabsoomeen. Waxaanu ku baaqaynaa oo aan salaadiinta la qabaa in nabad la helo. Nabadu waa shayga kowaad ee aynu ku noolnahay. Waxaan kale oo ku dsarayaa gasraadada baaqay ee Taleex ka baaqay ee aan u arko arrimaha ay ku baaqayaan colaad ama dhiig sokeeye ay sababi doonto, waxaan leeyahay walaalayaal ka noqda gogasha wada hadalka kaalaya, gogashii madaxweynuhu dhigay ku soo dabaala nabadgalyo aan wax ku dhamayno aan wada hadalno wixii dhibaato jiray iyo wixii turxaana ee jiray aan ka wada hadalno, ddka waxa isku diraya oo jidmada keenaya ragaan dalka xogagaal u ahayn. Anigu waxaan qabaa shacbiga reer Buuhoodle waa Somaliland, waa dad qarankooda iyo dadkooda jecel laakiin waxaa qaldaya oo dabo taagan rag dibada ka soo duushay oo fikrada qaldan ama waxaan Somaliland daacad u ahayn shaqo ku lahayn ayaa qalday .”

“Waxaan leeyahay walaalka ha maqlina umada Ilaahay ayaa meel wada dhigay kuwa Puntland degani waa umad Soomaaliyeed, xuduudooda iyo dalkooda ayay leeyihiin kuwa Soomaaliya daganina xuduudooda iyo dalkooda ayay leeyihiin, ninka Kiiniya dega, nina sidaasuu leeyahay ka Kililka shanaad deganina sidaasuu leeyahay , dadkan Ilaahay ayaa meel wada dhigay oo isku xuduud ka dhigay oo isku dad ka dhigay, oo Ilaahay meel ku wada abuura,”ayuu yidhi Suldaan Xiiray.

Suldaan Xiiray oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Waxaan leeyahay dadka dibada ka soo duulay ama dabada laga riixayo yay dalkeena iyo qaranimadeena baabi’in, mana suuro galayso Somaliland gudaheedana in lagaga dhawaaqo maamul goboleed oo labo dawladeed ka wada taliyaan mid baa ka talinaya,Somaliland waa muqadas horeynu u goosanay, horeynu isku raacnay bari iyo galbeed laga noqonmaayo xukuumadana waxaan leeyahay nabadgalyada ilaa inta nabadgelyo la helayno inta ay raadin karayso raadiso shacbigaana waxaan leeyahay u soo jeedinayaa in ay dhowraan qaranimadeena iyo ehelnimada. Iskana qabtaan cidii fidmada wada, garaadada waxaan leeyahay nin Isimi wuxuu taliyaa nabad dadkiina ku soo dabaala nabad kaalaya fidmada ka daaya dhibaatada.”

Ugu danbayntii shirkaa jaraa’iid waxa ka hadlay Suldaan C/raxmaan Cabdi Good, waxaanu in dadka Sool iyo Buuhoodle ay yihiin dad reer Somaliland, isla markaana ay khalkhalka galiyeen dadka u madaxda ah ee goboladaa ka soo jeeda. Waxaanu yidhi “Dadka shacbiga ah ee gobolada bari Sool iyo Buuhoodle waa dad aanu walaalo nahay, waa dad reer Somaliland. Waxay iyagu diidan yihiin ama dhibaato ah ay wadaan, qabo anigu laakiin waxa uu khilaafku ka jiraa oo shacbigana galiyay dadka madaxda u ah., waxaan leeyahay hadaan kacrii iyo waa wadadka Isimada iyo siyaasiyiinta, waxaan leeyahay walaal reer Somaliland bad tihiin, Somaliland maaha ta bilaabi maayo. Lixdankii ayaynu wada qaadanay Ingiriiska qaadanay.”

Salaadiinta shirkaa jaraa’id ka soo qaybgalay magacyadoodu waxay kala ahaayeen:

waxa kale oo kulankaasi goob joog ka ahaa Suldaan Boqor Maxamed Nuur Aadan
Suldaan Maxamed Cabdilaahi X. Aadan
Suldaan Maxamed Xirsi Qani iyo Suldaan Saleebaan Boqor Cismaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com