Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

afar Qof Oo Ku Naf-waayey Mudaharaad Rabshado Watay Oo Ka Dhacay Magaaladda Laascaanood Iyo Cisbitaalka Magaaladaas Oo Lagu Daaweynayo Dadkii Dhaawacyado Gaadheen oo shan iyolabaatan ah

afar Qof Oo Ku Naf-waayey Mudaharaad Rabshado Watay Oo Ka Dhacay Magaaladda Laascaanood Iyo Cisbitaalka Magaaladaas Oo Lagu Daaweynayo Dadkii Dhaawacyado Gaadheen oo shan iyolabaatan ah

Laascaanood Jan 21,2012 – 4 Qof ayaa ku dhintay, shan iyo labaatan kalana way ku dhaawacmeen

kalena way ku dhaawacmeen Mudaharaad rabshado watay oo maanta ka dhacay Magaaladda Laascaanood, waxaana hadda Cisbitaalka guud ee Magaaladda Laascaanood ayaa lagu daawaynayaa laba qof ee dhaawacu soo gaadhay.

Mudaharaadkan oo ay sameeyeen dad dhalinyaro u badan oo reer Laascaanood ah ayaa waxa uu Magaaladaasi ka socday Muddo saacado ah, iyadda oo dadkaasi ay taageersanayaan maamulka laga iclaamiyey degmada Taleex.

Ciidamada Booliska Somaliland oo isku dayey inay kaantaroolaan Mudaharaadkan ayaa inta la ogyahay waxa ku dhintay laba ruux, halka ay ku dhaawacmeen laba kale, kuwaas oo ay haleeshay rasaasta ciidamada boolisku ku ridayeen Mudaharaadayaashan oo ku dhawaaqayey kalmado ay kaga soo horjeedaan Dawlada Somaliland isla-markaana lagu taageerayey maamulka Khaatumo loogu magac daray ee Taleex lagaga dhawaaqay.

Warku waxa uu intaa ku darayaa in ciidamada boolisku ay xidheen dhalinyaro badan oo ka mid ahaa kuwo rabashadaha sameeyey.

Rabshadahan ayaa ku soo beegmay xili Wasiiru xukuumadda Somaliland ka tirsani ku sugan yihiin Magaaladda Laascaanood, kuwaasi oo ku guul-daraystay inay kulamo la yeeshaan Madax-dhaqameedka iyo odayaasha gobolka Sool, kuwaas oo haddii lala kulmo baajin lahaa dhacdooyinkan dhibaatada wata ee ka socda halkaasi.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com