Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Dhaqdhaqaaqyo Ciidan oo Laga Dareemayo Oog, Maleeshiyaad Doonaya Inay Laascaanood Weeraraan Oo Isku Urursanaya Jiida Tukaraq Iyo San-saan Colaadeed Oo Ka Taagan Gobolka Sool

Dhaqdhaqaaqyo Ciidan oo Laga Dareemayo Oog, Maleeshiyaad Doonaya Inay Laascaanood Weeraraan Oo Isku Urursanaya Jiida Tukaraq Iyo San-saan Colaadeed Oo Ka Taagan Gobolka Sool

Oog (maanta) Jan 21,2012 – Dhaqdhaqaaqyo Ciidan ayaa maanta laga dareemayaa gobolka Sool, gaar ahaan jiida Tukaraq oo deegano ka tirsan ay isku urursanayaan Maleeshiyaad taageersan Maamulka laga iclaamiyey shirkii Taleex.

Maleeshiyaadkan gobolka Sool oo iskaga kala imanaya guud ahaan deegaanada uu ka kooban yahay gobolkaasi ayaa waxa la sheegay inay doonayaan inay dagaal ku qaadaan Magaaladda Laascaanood oo hadda xaaladeedu aanay fiicnayn, inkasta oo aan la sheegin wakhtiga la saadaalin karo in dagaaal dhaco.

Dhinaca kale, wararka naga soo gaadhaya Magaaladda Oog ayaa saaka la arkayey ciidamo badan oo wata gaadiidka dagaalka oo u kolanyeystay dhinaca gobolka Sool, gaar ahaan jiida Tukaraq oo ay isku urursanayaan Maleeshiyaadka ah ee doonaya inay weeraraan Laascaanood.

Qof goob-jooge ah oo ku sugan Magaaladda Oog ayaa Ramaas u sheegay inuu arkay ciidamo faro badan oo watta in ka badan 50 gaadiidka dagaalka ah oo ka baxaya Magaaladda Oog, kuwaas oo uu tilmaamay in loo sheegay inay tagayaan jiida Tukaraq “Walaal way jirtaa oo ciidamo faro badan oo wata gaadiid 50 aan ku qiyaasay oo ka baxay Oog, waxaana la noo sheegay inay tagayaan Tukaraq.” Sidaa waxa yidhi Ruuxa Ramaas u waramay.

Wararka dheeraadka ah ee laga helayo jiida hore ee gobolka Sool, ayaa sheegaya in xaalada deegaankaasi tahay mid muujinaysa sansaan colaadeed oo la filan karo wakhti kasta.

deeqa axmed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com