Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Hargeysa (maantSomaliland.)- Sadexda xisbi qaran, ayaa maanta ka hadlay banaan bax balaadhan oo lagu taageerayo qaranimada Somaliland iyo ciidamada qaranka ee jiida hore, kaasi oo loo asteeyay in laga qabto magaalooyinka waaweyn ee dalka maalinta Axadda Bari.

Hargeysa (maantSomaliland.)- Sadexda xisbi qaran, ayaa maanta ka hadlay banaan bax balaadhan oo lagu taageerayo qaranimada Somaliland iyo ciidamada qaranka ee jiida hore, kaasi oo loo asteeyay in laga qabto magaalooyinka waaweyn ee dalka maalinta Axadda Bari.

Sadexda xisbi qaran ee KULMIYE, UDUB iyo UCUD waxay sidaasi ku sheegeen shir jaraa’id oo ay si wada jir ah ugu qabteen xarunta Madaxtooyada, waxaanay sheegeen inay u midaysan yihiin difaaca danaha qaranka.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay shirkan ayaa sheegay inay midnimada qaranimada Somaliland tahay muqadas.

“Midnimada iyo qaranimada Somaliland waa muqadas cidii taas ka soo horjeedaana waa u cadow, sidaasi darteed waxaanu shacbiga u soo jeedinaynaa inaynu maalinta bari iskugu soo baxno mudaharaad salmi ah oo lagu taageerayo qaranimada Somaliland. Waa in banaan baxani noqdaa mid la isku xaq-dhawro oo dadka waayeelka ah iyo carruurta la xaqdhawro,”ayuu yidhi Md. Muuse Biixi Cabdi.
Guddomiyaha KULMIYE wuxuu sheegay inaan shacbiga Sool loo nisbayn Karin shakhsiyaadka dalka dibada kaga soo duulay waxaanu yidhi “Shacbiga reer Hargeysa iyo reer Somaliland-ba, shacbiga Sool ku dhaqani waa shacbi reer Somaliland ah oo aynu isku mid nahay, waa shacbi aan dulmi ogolayn waxa loo baahan yahay inaan khalad la fahmin oo ashkhaastaasi dibada kaga soo duushay dalka aanay u nisbayn shacbiweynaha gobolka Sool.”

Gudoomiyuhu wuxuu soo jeediyay in wixii tabasho ah ay reer Somaliland iskaga qanciyaan si miyir qab ah.

Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ee UCID Md. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay inay axsaabta dhaqan u ahayd inay u midoobaan qaranimada Somaliland, waxaanu yidhi “Waxa jirta dan qaran oo la wada leeyahay oo axsaabta ka dhaxaysa, Soomaalidu waxay ku maah-maahdaa Geel Jire Geella wuu wada jiraa hadana wuu kala jirtaa. Danta qaranka waa la wada jirtaa. Waxaad moodaa in qaranimadeenii lagu soo duulay.”

“Dad dibadaha ka yimid ayaa fidmo ku soo tuuray dalkeenii, waxaan doonaynaa inaan mudaharaadkan ku muujino inaynu u midaysan nahay qaranimadeena oo aanu garab taagan nahay dawlada iyo ciidamada qaranka. Waxaan ku baaqaynaa in barito inaga oo mid qudha ah oo cod kaliya ah inaan dunida tusno inaan Somaliland shacbigeedu doonayn in dalka la kala gooyo,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga UCID.

Sidoo kale, Md. Axmed Ismaaciil (Keyse) oo ka mid ah masuuliyiinta Xisbiga mucaaridka ee UDUB ayaa sheegay inaanay dalka waxba yeeli Karin shakhsiyaad dibada ka yimid oo uu ku eedeeyay inay doonayaan inay kala dhantaalaan Somaliland.
“Waxaan doonaynaa inaan mudaharaadkan ku muujino dareenkeena iyo sida ummadda, axsaabta siyaasadda iyo xukuumadda Somalilandba uga midaysan yihiin difaaca dalka iyo midnimada qaranka,”ayuu yidhi Md. Axmed Keyse.

Axmed Keyse wuxuu sheegay in banaan baxani ka dhici doono fagaaraha beerta xoriyada ee Hargeysa.

xuseen xarbi
hargaysa
harbi_31@hotmail.com/25224052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com