Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Gudoomiyaha Gobolka Sool Maxamed Maxamud Cali (Jeeni yare) ayaa cadeeyay in dumar iyo caruur ujeedooyin khaldan la soo fahamsiiyay ay maanta isu soo bax khasaare kala duwan sababay ay ka sameeyeen Magaalada Laascaanood.

Badhasaabka Sool oo ka hadlay Mudaharaadkii ka dhacay Laas-caanood
January 21st, 2012 Comments Off

Hargeys)-Gudoomiyaha Gobolka Sool Maxamed Maxamud Cali (Jeeni yare) ayaa cadeeyay in dumar iyo caruur ujeedooyin khaldan la soo fahamsiiyay ay maanta isu soo bax khasaare kala duwan sababay ay ka sameeyeen Magaalada Laascaanood.

Siday faafisay Idaacada dawlada ee Radio Hargeysa, waxa uu sheegay inaanay waxba ka jirin in mudaharaadkaas ay dad ku dhinteen hasa yeeshee waxa uu sheegay in ay ku dhaawacmeen laba iyo toban ruux isla markaana ay burburiyeen meheradihii ganacsi.

Gudoomiyaha Gobolka Sool Maxamed Maxamud Cali (Jeeni yare) waxa uu sheegay in dadka rabshadaha ka abuuray Magaalada Laascaanood ay ahaayeen kuwo la soo abaabulay si gobolka waxaaanu ku dooday in la doonayay in magaalada laga abuuro wax uu ugu yeeedhay falal amni daro.

Mr. Jeeni-yare waxaanu intaas ku daray in xaalada magaaladu ay wanaagsan tahay isla markaana dib loo furay meheradihii ganacsi iyadoo ay noloshuna sideedii ku soo noqotay.
Siday sheegayaan wararka ka imanaya magaalada Laascaanood waxaa aad loo adkeeyay ammaanka Magaalada ,waxaana dib loo furay meheradihii Ganacsiga ee saaka albaabada loo xidhay markii rabshaduhu ka bilaabmeen.

xuseen xarbi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com