Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Banaan bax balaadhan oo lagu taageerayay madax banaanida Somaliland oo ka dhacay Gobolka Hawd

Banaan bax balaadhan oo lagu taageerayay madax banaanida Somaliland oo ka dhacay Gobolka Hawd

baligubadle
– Boqolaal qof oo ka mid ah dadweynaha magaalada Bali-gubadle ee xurunta Gobolka Hawd ayaa iskugu soo baxay banaan bax balaadhan oo lagu taageerayay madax banaanida Somaliland.

Waxa ka qayb galay banaan baxan maamulka heer gobol mid degmo, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada kuwaasi oo ku dhawaaqayay halku dhigyo ay ku taageerayeen madax banaanida Somaliland .

Gudoomiyaha Gobolka Hawd Jamaal Cabdi Hurre, oo hadal u jeediyay dadweynaha banaan baxayay ayaa ka waramay ujeedada isu soo baxan oo ku wajahan inaan qaranimada Somaliland aanay gorgortan geli Karin isla markaana ay ka soo hor jeedaan wax kastoo Lidi ku ah jiritaanka wadanka.

Gudoomiyuhu waxaa kale oo uu sheegay in Magaalada Baligubadle ay taariikh weyn ku leedahay halgankii dalka lagu xoreeyay isla markaana ay ahayd taliskii xoogagii xaq u dirirka SNM ee dhaliyay madax banaabida Somaliland.

Jamaal Cabdi Hurre waxa uu intaas ku daray in Shacbiga Gobolkaasi ay diyaar u yihiin difaaca dalka iyo Taageerida Ciidanka Qaranka.
Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay Agaasimaha maamulka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud C/laahi oo hadal ka jeediyay banaan baxaasi ayaa u mahad celiyay shacbiga ku nool magaalada Baligubadle oo uu xusay inay muujiyeen Wadaniyad waxaanu xusay in Madax banaanida Jamhuuriyada Somaliland ay tahay muqadas cidkastoo ku soo xadgudubtana ay diyaar ula yihiin in laga qaado talaabada ku haboon.
Agaasimuhu wuxuu shacbiga gobolka Hawd u gudbiyay salaan uu uga siday Madaxweynaha Somaliland.
Sidoo kale degmada Bali Cabane ee Gobolka Hawd ayaa isu soo bax arrintan la xidhiidhaa uu maanta ka dhacay waxaana bulshada la hadlay Gudoomiyaha degmadaas iyo Qaar ka mid ah Odayaasha deegaanka Bali Cabane.

xuseen xarbi
baligubadle

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com