Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Maxkamada dambiyada dagaalka oo ku dhawaaqday 4 masuul oo Kenyan ah oo la horgeyn doono

Maxkamada dambiyada dagaalka oo ku dhawaaqday 4 masuul oo Kenyan ah oo la horgeyn doono
January 23rd, 2012

Nairobi (W.Wararka)-Maxkamada dambiyada Dunida ee magaalada Heeg ayaa ku dhawaaqday maanta in 4 nin oo ka caan ah wadanka Kiiniya la hor keenayo maxkamada , kuwaasi oo xaakinka maxkamadu uu sheegay in loo doonaayo dambiyo salka ku haya dil , kufsi iyo arimo kale oo ka dhan ah Aadamaha.

Maxkamadu waxay sheegtay in ragaasi ku eedaysan yihiin oo loo haysto inay ku lug lahaayeen rabshadihii iyo dambiyadii ka dhacay wadanka Kiiniya , ka dib doorashooyinkii muranka badani ka dhashay ee wadankaasi Kiiniya ka dhacay sanadkii 2007dii.

Waxaana rabshadahaasi lagu dilay dad ka badanaa kun ruux, dadka maxkmada la soo taagayo waxa ka mid ah wasiirka maaliyada oo ahna raysal- wasaare ku xigeenka dalkaasi UHURO Kiiniyaata iyo Wiiliam Ruuto, oo ah mudane baarlamaan , horena u ahaa wasiir, labadan nin ee kale ayaa kala ah madax shaqalaha iyo nin wariye a.h.
Eedayntaasi markii ay soo baxday ayuu Mr. William Ruuto wuxuuna sheegay in aanu qabin wax dambi ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com