Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Shir lagaga hadlayay horumarinta waxbarashada Somaliland Oo London lagu qabtay

Shir lagaga hadlayay horumarinta waxbarashada Somaliland Oo London lagu qabtay
January 23rd, 2012

London (maantaSomaliland.com)-Waxa magalada London ka dhacay ahayd 22-kii bishan shir ay soo soo agaasintay Ha’yada Centre for Education and Employment Research (CEER). Wax shirkan lagaga hadlayey waxbarashada iyo shaqada Somaliland.

Waxaa shirkaas ka soo qeyb galay aqoonyahano badan oo ka shaqeeya arrimaha waxbarashada, shaqada iyo arrimaha bulshada oo degen magalada London.Waxa shirkaas ugu horeyn soo dhaweyey aqoonyahan Dr. Cismaan Warsame isagoo dhawaan ka soo noqdey Somaliland.

Waxa uu Dr. Cismaan ka waramey arimaha Waxbarashada iyo Shaqaaleynta bulshada Somaliland.Waxa uu Dr. Cismaan Carabka ku adkeyey in loo bahan yahay aqoonta iyo cilimiga bulsha weynta ku dhaqan Qurbaha. Isagoo faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey sidii loo heli lahaa horumarinta bulshada iyadoo loo bahan yahay in la kabo waxbarashada aasaasiga ah loona dejiyo strategy lagu abuurayo waxbarasho dhasha habki loo heli lahaa human resource dalka u adeega sidoo kalena la helo habki ay Somaliland ku gaadhi lahayd wax soosaar sida Industralisation oo u bahan aqoonta cilmiga Science ka iyo technologyga.

Waxaa shirkaas kala qeby galay bulshada reer Somaliland, Agaasimaah tacliinta sare ee wasarada Waxbarashad Mudane Khadar Ahmed Dirir. Mudane Khadar ayaa ka waramay halkey ay waxbarashada Somaliland mareyso iyo sida ay dawlada cusub ee KULMIYE ay rajeyneyso iney wax uga qabato arimaha waxbarasahada. Waxaa uu khaddar intaa ku daray in qorshe 5 sano ah ay wasarada waxbarashada iyo qorshaynta ay dejiyeen iyagoo leh yool 5 sano ah taas oo wax lagaga qabanayo:-

Sidii loo kobcin lahaa waxbarasahda aasaasiga ah, Sidii Manhajka dalka dib loogu eegi lahaa, Sidii tayada macalimiinta kor loogu qaadi lahaa, Sidii xaga tayada guud ee waxbarashada loo adkeyn lahaa.

Waxaa halkaa lagu weydiyey su’aalo fara badan iyadoo su’alahi ay u badnayeen side bey reer Somaliland ka ku dhaqan qurbaha ay ka qeyb qaadan lahaayeen sidii wasarada wax loola qaban lahaa.
Ugu danbeyn waxaa shirkaa ka Hadley Eng Mustafe Ibrahim sidii dhaqlaha dalka loo kobcinlahaa iyo faa;idada ay leedahay in la helo commercial Banka dadka u usuuro geliya in ay samayaan dhaqaale abuur, horseeda shaqaaleynta dhalinyarada.

Ugu danbeyn waxaa halkaa uu ururku ku doortey gudidii sanadka hoogamin lahayd arimaha hawleed ee CEER.
Chairperson – Warda Dirir
Vice-chair – Abdilahi Abdilahi
General Secretary – Nadra Muse
Treasurer – Fardus Ali
Secretary for membership and recruitment – Salma Hassan
Secretary for Quality Assurance – Fatima Ahmed
Member for Public relations – Mustafa Ibrahim
Iyadoo Dr. Osman Warsame uu yahay Agaasimaha (Director) CEER oo dhanka hawl maalmeedka u qaabilsan Somaliland iyo Qurbaha.

Waxa ay gudidu ku dheeraadeen sidii loo horumarin lahaa waxbarasha iyo shaqaleynta dhalinyarada reer Somaliland iyadoo lala kaashanayo dhamaan bulshada Somaliland ee ku dhaqan qurbaha. Waxa uu gudoomiyaha cusubi Marwo Warda Dirir ka codsanaaya soona dhaweynayaan in cidii leh khibrad iyo aqoon arimaha bulshada ay ku soo biraan dhalinyarada isu xilqaantey wax ka qabashada arimaha Somaliland.

/London Usldotorg@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com