Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Liyuu Booliska Kililka 5-aad Ee Itoobiya Oo Dhalinyaro Ay Gaashaamo Ka Qabteen U Dhaadhiciyey Jig-jiga Iyo Warbaahintooda Oo Ku Shaambadeysay Al-shabaab-nimo

Liyuu Booliska Kililka 5-aad Ee Itoobiya Oo Dhalinyaro Ay Gaashaamo Ka Qabteen U Dhaadhiciyey Jig-jiga Iyo Warbaahintooda Oo Ku Shaambadeysay Al-shabaab-nimo
Gaashaamo (maantasomaliland) Jan 23,2012 – Ciidamada dawlad deegaanka Somalida Itoobiya ee loo yaqaano Liyuu Booliska ayaa qabtay afar nin oo lagu sheegay inay ka tirsan Kooxda Al-shabaab ee ka dagaalanta dalka Soomaliya.

Warbaahinta kililka shanaad ee Itoobiya ayaa sheegtay in afartan nin ay ka soo kicitimeen Magaaladda Gaalkacayo ee Maamul goboleedka Puntland, isla-markaana Magaaladda Gaashaamo u yimaadeen inay afduubaan gaadiid ay leedahay hay’adda Mercy Corp oo hawlo ka wada deegaankaasi, balse ay ciidamada Liyuu boolisku ka war-heleen isla-markaana gacanta ku dhigeen.

Nimankan ayaa warbaahinta kililku sheegtay in laga qabtay guri ku yaala gudaha Magaaladda Gaashaamo iyagga oo ku hubaysnaa afar baaskooladood iyo bambooyinka gacanta laga tuuro, kuwaas oo markii ciidamadu isku weer ka qabteen ay qaarkood ku tureen, balse laga xoog batay oo la qabtay.

Warbaahinta ayaa sidoo kale sheegtay in afartaa nin oo midkood magaciisa ay ku sheegtay Xulayfa markii la geeyay Magaaladda Jigjiga ay afkooda ka qirteen inay ka mid yihiin kooxda Al-shabaab deegaanka Gaashaama-na u taggeen inay hawl-gal afduub ah fuliyaan, balse warar madaxa-banaan oo khuseeya raggan ciidamada Liyuu boolisku xidheen oo midkood uu ku dhaawacmay hawlgalkii lagu qabanayey ay ka mid yihiin dadka deegaanka Gaashaamo degga, asal ahaana ka soo jeeda Somaliland, ciidamada Itoobiyana ay u qabteen shaki iyo tuhun ku xidhiidhiyey arimo aar-goosi oo ka dhashay dadkii dhawaan ciidamada Liyuu boolisku ku dileen duleedka Gaashaamo, ka dib markii ay si arxan daro ah rasaas ugu fureen gaadhi jaad ka soo qaaday Burco una sii jeeday dhinaca Gaashaamo.
xuseen xarbi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com