Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Madaxweyne Ku Xiggeenka JSL Iyo Guddoomiyaha Xafiiska Diiwaanka Zakada Oo Kulan La Qaatay Qaar Ka Mid Ah Madaxda Dalka Isu-taga Imaaraadka Carabta.

Madaxweyne Ku Xiggeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici) ayaa ka hor intii aanu ka soo amba-bixin dalka isutaga Imaaraadka carabta waxa isaga ,Guddoomiyaha Xafiiska Diiwaanka Zakada Somaliland Dr Siciid Maxamed Faarax iyo xubno ka mid ah Guddida Abaaraha oo safar shaqo ugu maqnaa dalka Isu-taga Imaaraadka Carabta ay kulan muhiima la yeeshay Amiirka Raysul-khayma Sheekh Sucuud Bin Saqar Al-qaasimi.

Kulankan ayaa ku qotomay sii xoojinta xidhiidhka labada wadan iyo sidii ay uga wada shaqayn lahaayeen horumarka dalka, sidoo kale waxa ay kulankaasi kaga wada hadleen sidii abaaraha baahsan ee dalka saameeyey ay

uga qayb-qaadan lahaayeen waxna u tari lahaayeen dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ku dhaqan deegaanada somaliland ee ay abaaraha darani ka jiraan .

cropped-mmsll.png

Intaasi ka dib waftiga uu hogaaminayey Madaxweyne Ku Xiggeenka Somaliland qaybtana ay ka ahaayeen Guddoomiyaha Xafiiska Diiwaanka Zakada Somaliland waxa ay la kulmeen Guddoomiyaha Mu’assasada Maxamed Bin Rashiid Al-maktuumee ee acmaasha kheyriga ah sheekh Saalax Al-masruuci.

Kulankaasi waxa layskaga xog waraystay laguna falanqeeyey sidii ay Mu’assasadu gacan uga gaysan lahayd abaaraha dalka ka taagan iyo sidii ay wax u tari lahaayeen dadka waxyeelada xoogani ka soo gaadhay abaarahan.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com