Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Burco(maantaSomaliland.com)- Badhasaabka Togdheer Cabdoo Axmed Aayir, iyo Taliyaha ciidanka Booliska gobolka Saleebaan Ducaale Ubaxle, ayaa magaalada Burco ku soo bandhigay lacagtii ugu badnayd ee Faalso dolar ah oo lagu qabtay degmada Dhoqoshay ee gobolka Tog-dheer taasi oo 7800 oo Dollar.

Burco(maantaSomaliland.com)- Badhasaabka Togdheer Cabdoo Axmed Aayir, iyo Taliyaha ciidanka Booliska gobolka Saleebaan Ducaale Ubaxle, ayaa magaalada Burco ku soo bandhigay lacagtii ugu badnayd ee Faalso dolar ah oo lagu qabtay degmada Dhoqoshay ee gobolka Tog-dheer taasi oo 7800 oo Dollar.

Taliyaha Ciidanka Booliska Togdheer Saleebaan Ducaale Ubaxle oo ka hadlay shir jaraa’id oo ay maanta wada jir u qabteen badhasaabka, ayaa sheegay inay Boolisku daba socdeen sidii gacanta loogu dhigi lahaa lacagtaasi foojariga ah.

Taliyuhu wuxuu tilmaamay inay lacagtan foojariga ah ay ku soo qabteen afar muwaadin oo reer Somaliland ah oo ka soo jeeda Tog-dheer.

“Ciidanka Booliska ee degmada Dhoqshay waxa telefoon looga soo diray degmada Waraabeeye, waxaana loo sheegay inuu ku soo socda deegaanka dhoqoshay gaadhi ay saaran yihiin afar qof kuwaasi oo looga shakiyay inay sitaan lacag foojari ah.waxaanay ciidanka amaanka ee degmada dhoqoshay ayaa howgal baladhan oo ay sameyeen waxay ciidanku gadhigii siday lacagta foojariga ah ku qabteen meel u dhow degmada,”ayuu yidhi Taliyaha qeybta booliska Togdheer.

Taliyaha oo hadalkiisa sii watay wuxuu intaasi ku daray “Afartii qof ee lacagtan foojariga ah lagu soo qabtay sharciga la horgeyn doonaa maalmaha soo socda.
Badhasaabka Togdheer Cabdoo Axmed Aayir, ayaa ammaan balaadhan u soo jeediyay ciidanka Booliska ee gobolka gaar ahaan Booliska degmada Dhoqoshay oo uu tilmaamay inay ku guulaysteen sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen lacag been abuur ah oo uu xusay in la doonayay in lagu mijo-xaabiyo dhaqaalaha dalka.

Badhasaabku waxa kale oo uu shacbiga Togdheer u soo jeediyay inay ciidamada ammaanka kala shaqeeyaan nabadgelyada gobolka.

xuseen xarbi/maantasomaliland/hargaysa
tel25224052413/harbi_31@hotmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com