Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Hargeysa(maantasomaliland.com) Jan 25,2012 – Qaar ka mid ah Ganacsatada waaweyn ee Reer Somaliland ayaa Wasiirka Maaliyada Somaliland ku eedeeyay inuu iska horkeen iyo kicin ka dhex wado Ganacsatada wadanka iyo Bulshada rayidka ah, isla markaana uu ganacsigii xorta ahaa ee wadanka Siyaasad geliyay

Hargeysa(maantasomaliland.com) Jan 25,2012 – Qaar ka mid ah Ganacsatada waaweyn ee Reer Somaliland ayaa Wasiirka Maaliyada Somaliland ku eedeeyay inuu iska horkeen iyo kicin ka dhex wado Ganacsatada wadanka iyo Bulshada rayidka ah, isla markaana uu ganacsigii xorta ahaa ee wadanka Siyaasad geliyay.

Ganacsatada ay ku saxeexan yihiin 20 ka mid ah ganacsatada waaweyn ayaa sidoo kale Wasiirka ugu baaqeen inuu raali gelin ka bixiyo hadal uu dhawaan ku sheegay Warbaahinta mar la waraystay, kaasoo ay ku tilmaameen mid kicin ah oo layskaga horkeenayo bulshada iyo ganacsatada.

Qoraalkaasi ganacsatada oo ay ku saxeexnaayeen in 20 Ganacsade oo ka mid ah Mulkilayaasha iyo maamulayaasha Shirkadaha kala duwan ee Ganacsiga Somaliland waxa uu u dhignaa sidan:

“Intii Somaliland Jirtay Ganacsiga dalku wuxuu ka madaxbanaanaa Siyaasad wuxuuna ky talaabsaday sifo Xornimo iyo Tartan Xalaal ah oo Cadaalad ku salaysan, ganacsatadana wax turxaan ah oo soo kala dhex gashay may jirin.

Ganacsatada wax soo dejisa waxa ka mid ahaa qaar leh Warshado waxayna cadaynayaan in Warshaduhu dawlada ka helaan Dhiiri-gelin ku filan, taasoo ay ka mid tahay qalabka warshadaha oo Cashuur dhaaf ku yimaada, badeecada caydhin oo Cashuur dhaaf lagu siiyoiyo Macaashal-macaashka oo laga dhaafo taasoo u sahlaysa Warshadaha inay tartan kaga saaraan badeecadaha la nooca ah ee dibada ka yimaada.

Waxa Nasiib daro ah inaad moodo in ganacsigii Siyaasad la gelinayo taasina aanay dan u ahayn dadka iyo dalka midnaba oo ay tahay wax ku ugub ah oo hada nagu bilaamay oo aanu u aanaynayno Wasiirka maaliyada oo si qaawan oo badheedh ah isaga horkeenay dadka ganacsatada ah ee Walaalaha ah.

Waxa xusid mudan waraysigii uu siiyay Wargeyska Jamhuuriya ee soo baxay 23.1.012 oo uu ku guubaabinayo, kuna kicinayo iskagana horkeenayo ganacsatada wadanka ,isagoo ku tirtirsiinaya inay ka horyimaadaan go’aanka dawlada..

Hadaba waxaanu ugu baaqaynaa Wasiirka maaliyada inuu ka noqdo raali gelina ka bixiyo iska horkeenka Ganacsatada ee ku cad Waraysigiisa ku soo baxay Jamhuuriyo Cadadkiisii 4713 oo uu ku yidhi “way jirtaa arrintaasi oo Qolooyinka wax soo dejisa ayaa madaxweynaha u dacwooday oo ka cabanaya Go’aankaasi markii hore Cashuurta lagu kordhiyay, kuwa wadaniga ah ee dalka gudhiisa wax ku farsameeyaana mabay ka ashkatoon, markaa halkaasi waxa ka soo baxay isla socosho la’aan”. waxaanay taasi sababtay kicin dadweyne .

Magacyada ganacsatada:

1. C/raxmaan faarax Xarbi

2. Cali ibraahim Ciise

3. Jaamac Cumar Seed

4. Cali Maaweel

5. C/lahi Sh Maxamed

6. Daahir Muuse Barre

7. Mubaarik Siciid Cigge

8. Saleban Cawil Ducaale

9. Aadan Axmed Jaamac

10. Rashiid Ibraahim Ciise

11. C/lahi carab ismaaciil

12. C/lahi Xaaji Aadan

13. Shidde Xaaji Diiriye

14. Dubad Jaamac Cilmi

15. Jaamac Daahir Hirad

16. Sabowanaag Trading

17. Maxamuud Axmed Maxamed

18. Saalax Xuseen xasan

19. Maxamuud Muuse Cumar

20. Maxamed ismaaciil.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com