Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Agaasimaha Guud ee wasaarada Degaanka Somaliland Maxamed Faarax Xirsi ayaa shaaca ka qaadey in khilaaf culusi oo soo kala dhexgalay wasaaradiisa Degaanka iyo wasaarada Daakhiliga Somaliland,haddaan si kale u dhigana wuxuu khilaafku ka dhexeeyaa wasiirka arimaha gudaha Somaliland Maxamed Nur Caraale Duur iyo Agaasimaha Guud ee wasaaradda Degaanka Somaliland Maxamed Faarax.

Agaasimaha Guud ee wasaarada Degaanka Somaliland Maxamed Faarax Xirsi ayaa shaaca ka qaadey in khilaaf culusi oo soo kala dhexgalay wasaaradiisa Degaanka iyo wasaarada Daakhiliga Somaliland,haddaan si kale u dhigana wuxuu khilaafku ka dhexeeyaa wasiirka arimaha gudaha Somaliland Maxamed Nur Caraale Duur iyo Agaasimaha Guud ee wasaaradda Degaanka Somaliland Maxamed Faarax.

Agaasimaha guud ee wasaarada degaanka Somaliland ayaa sheegay in khilaafkoodu cirka isku sii shareeray markii wasiirka wasaarada arimaha gudaha Somaliland Maxamed Caraale Duur doraad xabsiga u taxaabay xayn ka mid ah shaqaalaha wasaarada Degaanka oo uu ugu tun weynaa Isuduwaha wasaarada Degaanka ee gobolka Hargeysa Yusuf Colaad Seed islamrkaana amray in la sooo qabto agaasimaha guud ee wasaarada degaanka laftiisa

Agaasimaha guud ee Degaanka ayaa ku tilmaamay talaabada wasiir Duur qaadey mid qayru sharci ah wuxuuna sheegay inaanu dhaqankaa guracan ee wasiir Duur uga joogsanayn hawlahay qaranka u hayaan ee ka wadaan degaanada Laas-geel iyo Dacar-budhuq oo la xidhiidha basrinta sunta iyo kiimikalka hargaha iyo saamaha oo wershadi ku daadiso meelo dadka iy xooluhuba ka cabaan una sahli karta inay degdeg u sumoobaan.

Agaasimaha guud ee degaanka wuxuu kaloo qiray in wasiir arimaha gudaha Somaliland Mr. Duur amray in isaga laftiisa waa Agaasimaha guud ee Degaanka Maxamed Faarax la soo xidho wuxuuna ku eedeeyay wasiir Duur inuu awooda uu sheeganayaa tahay awoodii madaxweyne Siilaanyo balse aanu xidhi karin kana war sugaayo waxa madaxweyne Siilaanyo arintaas ka yeelo maadaba uu sheegay inuu yahay marjacii isaga iyo wasiir Duur ku kala bixi lahaayeen.

Agaasimaha guud ee wasaarada degaanka Maxamed Faarax wuxuu u sheegay warbaahinta in loo soo diray taliyaha saadka ee ciidanka booliiska Somaliland inuu soo xidho balse wuxuu sheegay inuu ka dalbaday warqadii qabashadiisa taasoo taliyaha saadku u sheegay in warqadii qabashadiisu ama xadhigiisu la taalo jananka booliiska.

Isku soo wada duuboo ma aha markii ugu horeysay iyo markii ugu danbaysay ee khilaafyo culculus oo soo noqnoqdaa ka dhex qarxaan masuuliyiin ka wada tirsan xukumada Siilaanyo oo isku maandhaafa arimo maamul iyo kuwo siyaasadeed labadaba.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com