Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Dhalinyaro Bayaan culus ku taageertay dhismaha waddo isku xidhaysa Hargeysa iyo Bali-gubadle

Dhalinyaro Bayaan culus ku taageertay dhismaha waddo isku xidhaysa Hargeysa iyo Bali-gubadle

Hargeysa (maantaSomaliland.)-15 xubnood oo isugu jira dhalinyarada beelaha Gobolka Hawd, ayaa bayaan culus ku taageeray dhismaha wado isku xidhaysa Bali-gubadle iyo Hargeysa oo hindisaheeda uu lahaa Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac).

Bayaankaasi oo dhamaystirani wuxuu u dhignaa sidan:-“Dhalinyarada iyo Aqoon-yahanada Beelaha Gobolka Hawd waxay si weyn ugu riyaaqeen fikrad saliim ah iyo qorshe la xidhiidha dhismaha waddo isku xidhi doonta Hargeysa iyo magaalada Bali-gubadle ee xarunta gobolka Hawd, dhismaha wadadan oo kor u qaadaysa kaabeyaasha dhaqaale ee gobolkan curdinka ah waxa hindisay Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac) oo ku suntamay hal abuurnimo xeel-dheer oo uu awooda ku saaro sidii uu bulshadiisa uga dhisi lahaa dhinacyada adeegyada daruuriga ah ee ay wadooyinku ka mid yihiin.
Sida aanu ka warqabno ilaa imika waxa dhismaha wadadan loo agaasimay ifafaale suurto-gal ka dhigi kara in hamiga dhismahani najaxo dedaalo. Waxaanu soo dhawaynaynaa dedaalada dal iyo dibadba ka socda oo ay wadaan muxsiniin gobolka Hawd ka soo jeeda oo u jeelan inay Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac) kala shaqeeyaan fikirka dhismaha wadada oo ah mid cidii wax ku darsataa ay sumad iyo taariikh weyn ku yeelan doonto gobolka iyo Somaliland-ba.

Waxaanu bulshada Gobolka Hawd u soo jeedinaynaa inay u midoobaan sidii wadadaasi loo dhamaystiri lahaa oo maal iyo xoogba lagaga qeyb qaato oo aan lagu cidlayn hirgelinta wadadan Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac) iyo inta samaha jecel ee fikrad kala shaqaynaysa.

Waxaanu ka soo horjeedna inaan dhismaha wadadan la barbar eryin urur-siyaasadeed aan saadaalin Karin sida uu uga soo dhex bixi karo xisbiyada iyo ururada kale ee ay tartamayaan.
Waxaanu takiidinaynaa in beelaha Arab aqlabiyadooda ay taabacsan yihiin xisbul xaakimka KULMIYE oo ay wali beeshu taageero mug leh la bar-bar taagan tahay.
Si kastaba arrintu ha ahaatee waxaanu ku soo gab-gabaynaynaa inaanu siyaasiyiinta, Xildhibaanada iyo masuuliyiinta beelaha Arab jecelahay inaanu xusuusino in masuul kasta aanu ku qiimayn doono hadda iyo mustaqbalkaba hadba kaalinta uu ka qaato wadadan.”

1- Maamulaha Dugsiga Hoose/Dhexe ee Axmed Guray, C/Raxmaan Axmed Xuseen.
2- C/Qaadir Muxumed Xasan.
3- Deeq Cabdilaahi Cali.
4- Mustafe Xasan Maxamed
5- Xasan Koosaar Xuseen
6- Cismaan Cabdi-kariim Muxumed
7- Maxamed Xasan Cumar
8- Cabdilaahi Cumar Cali
9- Sh. Bashiir Xasan Cabdi
10- Sh.Daahir Cali Wacays
11- Sh.Cumar Bashiir Daahir
12- Ayaanle Daahir Cali
13- Farax Cabdi Cali
14- Naasir Cali Cumar
15- Maxamed Bashiir Muxumed.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com